Wasiirka gaashaan dhigga ee Sudan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow
ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.
Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.
Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.
Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.
Wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xiran arrimaha siyaasadda.