aโiisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray โKaligii taliyeโ iyo โkhiyaaliโ ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen.
Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu โCunsurinimo cadโ kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii โDadka Yahuudda ahโ oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn.
โSida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliyaโ ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram.
Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri โWaxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab soocaโ
Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri โKaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisaโ ayuu yidhi Netanyahu.
Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel.