Deg Deg, Warkii Ugu danbeeyay ee Dilkii Agaasimihii Shirkada Dp World ee Boosaaso

0

Nin hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaalada Boosaaso.

Sarkaal amni oo lagu magacaabo Maxamed Daahir ayaa wakaaladda warraka ee AFP u sheegay in nin hubeysan uu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa agaasimaha mashruuca dhismaha DP World ee dekedda.

Paul ayaa waxaa lagu dhex-dilay dekedda, waxaana ciidamada ammaanka ay isla goobta ku dileen ninkii fuliyey dilka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

“Anaga ayaan ka dambeyna howlgalka” Waxaa sidaas yiri afhayeenka howl-gallada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Waan u dignay balse dhegaha ayuu naga fureystay, sharci-darro ayuu dalka ku joogay” ayuu sii raaciyey.