Lix Tuug iyo Nin Tuaanlay ah oo Sheeko Qosol badani Dhexmartay dalka Biljamka,

0

Burcad hubaysan ayaa galay dukaan. Mulkiilihii ayaana ka dalbaday in ay soo laabtaan marka uu lacag intan ka badan gado, sidii ayayna yeeleen…

Waxay u muuqataa in ay kaftan tahay, balse mulkiilaha dukaan ku yaalla Biljamka ayay arrintaas si run ah ugu dhacday.

Lix ruux oo raba in ay dhacaan dukaankan Didier ayaa maalin cad u soo galay.

Qofkii dukaanka gadayay ayaase u sheegay in ay soo noqdaan casar gaaban, si ay dhacaan lacag inta uu hadda hayo ka badan. Balse taas badalkeeda markii dambe in la xiro ayuu ka shaqeeyay.

Sidii maadays oo kale ayay ahayd,” ayuu u sheegay BBC oo taleefan kula hadashay. Waxaana loogu yeeray tuugadii ugu qaabdarayd dalka Biljam.”

Ninka dukaanka leh ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la saaxiibo tuugta 14 daqiiqana ay dukaankiisa ku sugnaayeen.

“Isjiidjiid ayay hawshu ku bilaabatay balse waxba ma siinin, waxaana ku qanciyay in aan galinka dambe siin doono 2 ilaa 3,000 oo lacagta Yuuroo-da ah.

Nimankii ayaa rumaystay sidaasna ku tagay.

“Markii aan booliiska u sheegay, ma aysan rumaysanin in ay soo noqon doonaan.”

Balse 05:30 galabnimo ayay soo laabteen, saacad ka hor markii dukaanka la xiri lahaa. Didier ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu arkay mid ka mid ah burcaddii oo albaabka taagan uuna ku wargaliyay in wakhtigii rawaxaadda aan la gaarin.

Markii ay 06:30 galabnimo soo laabteen markii saddexaad booliiska ayaa dhanka dambe ee dukaanka ku sugayay si ay u qabtaan.

Wiil yar iyo afar nin ayaana sidaas gacanta loogu dhigay.