Madaxweyne Farmaajo Oo Basaborka Mareykanka Ee Uu Haystaa Caqabad Kaga Noqday Inuu Shirka Qaramada Midoobay Ka Qeyb Galo Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

0

Madaxweyne dawlada federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa markii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka socda.

Baraha bulshada ayaa la isku weydiinayaa sababta uu madaxweynaha markii labaad uga baaqanayo shirka, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday.

Sharciga dalka Mareykanka ayaa qaba in waddankaas aanu tagi karin qof muwaadin mareykan ah oo haya xil madaxweyne, taasoo looga hortagayo iney mareykanka mar qudha ku wada sugnaadaan labo madaxweyne oo labaduba ay Mareykan yihiin.

Balse wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo shirkaasi ku matalaya dowladda Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in madaxweynahu uu u kala hormariyo howlaha u yaalla sida ay u kala muhiimsan yihiin.

”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo qasab ma aha inay sabab yeelato, laakiin waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York wakhtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is weydiiyo oo lala yaabo ma’aha. Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin howlaha uu qabanayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Soomaaliya kaliya u gaar ah ma aha” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaysan jirin wararkaasi oo dhan, falanqeeyayaashuna ay fiicnaan lahayd shaqo kale inay ku mashquulaan.

”Farmaajo madaxweyne Mareykan ma aha, waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Xeel dheerayaasha sheegaaya in labo madaxweyne oo Mareykan aysan hal mar wada joogi karin Mareykanka waa kuwa aan aad u xeeldheereyn, madaxweynuhu waa uu imaan karaa Mareykanka laakiin go’aanka isaga ayaa iska leh, mana haboonna in la yidhaahdo maxaad u tagi wayday.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in sababta uu shirka Qaramada Midoobay uga qeyb gali waayay ay tahay maadaama uu ku mashquulsan yahay xallinta khilaafka maamul goboleedka, balse masaalix badan oo hadii madaxweynaha uu tago shirkaasi u hirgali lahaa Soomaaliya ayaa u muuqda hadda in ay meesha ka bexeen.

 

Source: BBC Somali