DEG DEG Madaxweynaha dawlad deegaanka Somali State ee dalka Itoobiya Mustafe Cumar ayaa ka hadlay talaabada ay dawlada federaalka ahi xabsiga ku dhigtay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

0

Madaxweynaha dawlad deegaanka Somali State ee dalka Itoobiya Mustafe Cumar ayaa ka hadlay talaabada ay dawlada federaalka ahi xabsiga ku dhigtay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu kaga hadlaya aragtidiisa ku saabsan talaabada laga qaaday Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay inaanu ku faraxsanayn balse ay cashar u tahay dad badan.

Aragtida madaxweyne Mustafe Cumar ayaa  dhignayd sidan “Kuma Faraxsani In Maanta ina iley jeel loo taxaabo issagoo bahdilan inkastuu uu ahaa dambiile laakiin dadbadan oo kale yeey cashir iyyo kudayasho utaheyfaafisay wakaalada wararka Itoobiya ee Fana  ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha guud uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto  dacwado ka dhan ah gabood falo iyo ku tagri fal awoodeed.

Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlayey shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in sharciga la horgayn doono Cabdi Maxamuud Cumar isla markaana la marin doono dariiqa saxda ah ee garsoorka ku dhisan cadaalada.