Wasiirada Arimaha Dibada ee Ethiopia iyo Somaliland oo qaatay Kulan aay kaga wada Hadleen Arimo badan oo Xiligan taagan

0

Wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa faah faahin ka bixisay kulan Addis Ababa ku dhex maray wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo dhigiisa dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa lagu sheegay inuu kulanku ahaa mid muhiimadiisa leh, waxaanu u dhignaa sidan “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa la kulmay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibed dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.

Dr. Workneh Gebeyehu ayaa si heer sare ah ugu qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. sacad cali shire oo weheliyo safiirka somaliland ee dalka Ethiopia

Amb. Ahmed Egal iyo u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee safaarada Abdirahman abdi

Kulankan oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxa lagu lafa guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada  Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga labada dal iyadoo si qoto dheer la isaga xaal waraystay xaaladda guud ee mandaqada geeska afrika iyo isbedelada badan oo ku soo kordhaya

Mudadii uu socday kulanka wasiirka arrimaha dibedda somaliland Dr. sacad cali shire iyo dhigiisa wasiirka arrimaha dibeda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waxa si buuxda la isula qaatay sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal iyadoo si wada jira la isula qaatay derder gelinta heshiiskii dekeda berbera iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal.

Wasiir Sacad Cali shire oo maalimihii ugu dambeeyey safaro shaqo ku marayey waddamada galbeedka Africa ayaa waxa uu kulamo muhiima la yeeshay madaxda wadamada galbeedka Africa gaar ahaan wadamada Ghana, Senegal iyo Muritaaniya oo uu wasiirku kaga qaybgalay shirkii midawga Africa.Safarkan wasiirka arrimaha dibedda somaliland iyo Kulamadan ayaa waxay qayb ka yihiin dedaalada ay wasaaradda arrimaha dibeda somaliland ugu jirto ka midha dhilinta qadiyada ictiraafka somaliland oo qaaradda Africa