Deg Deg, Shil Baabuur oo ka Dhacay Tuulada xamaas Agteeda Ayaa gaystay Dhimasho iyo Dhawaacba,

0

Shil Baabuur Ayaa galabta Cad Ceed gaabkii ka dhacay Tuulada xamaas Agteeda , Waxaaana Isku Dhacay bas Dheer oo Ah Nooca Shirkada Bari iyo galbeed iyo Gaadhi Landkurusar Ah oo Aay  wateen Sarkaal ka Tirsanaa Ciidanka bada Somaliland iyo Nin cadaana,

Taliyaha taraafikada ee Gobolka Saaxil Shaakir Cismaan Nuur Ayaa Shabakada HWN u Xaqiijiyay Khasaaraha dhacay oo Dhimasho iyo Dhawacba Leh ,waxaanu Yidhi,

Shilkan waxaa ku dhintay Sarkaal ka Tirsanaa Ciidanka bada Somaliland Oo Naanaystiisu ahayd Guray , iyo Nin cadaana oo la socday, Waxaana Dhaawac Soo Gaadhay darawalkii Baska Shirkada bari iyo galbeed,

Taliye Shaakir waxaa uu Intaa daray Isagoo Ku Sugan Goobtii Shilku ka dhacay in Aay Baadhayaan gaadhiga qaladka lahaa, ragii

dhintay iyo Dhaawiciina aay u Gudbiyee Magaalada Berbera,

Wixii warara ee Intaa kazoo Kordha waanu Idiinla Socod Siin Doonaa,