Dagaalkii dhoofka xoolaha oo dib ubilaabmay,

0

Dagaalkii dhoofka xoolaha oo dib ubilaabmay,

Sadexdii wiig ee udanbeeyay waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti ka socday shirar loogu tashanayo dhoofka xoolaha soomalida kuwaas oo badankooda laga Raro dekadaha Berbera iyo Boosaaso,

Shirarkan ayaa waxaa isku xidhe ka ahaa ama xidhiidhiye  Saadiq Joon oo ah wiil uu sodog uyahay madaxwaynaha dalka Jabuuti kana soo jeeda soomaliya  waxaase hawsha wata   ganacsadaha yemeniga ah haystana dhalashada sucuudiga ee Abu Yaasir kaas oo ah nin in badan waqtigiisa ku bixiya sidii uu mar uun koote ugu xidhan lahaa dhoofka xoolaha soomalida oo dhan,

Wasiirada kaluumaysiga ee jabuuti iyo muqdisho iyo ganacsadaha Abu yaasir ayaa shirar kala duwan ku galay labada magaalo waxana laysku raacay in xoolaha soomalida oo dhan dhoofkooda loo xidho kaligii taas bdelkeedana uu maamulka muqdisho siiyo lacag malaayiin doolr ah oo laysku baayacay,

Hadaba maanta aya magalada muqdisho madaxwayne xasan sheikh wuxuu heshiis la galay ganacsadahaa Abu yaasir  waxaana mamulka xasan sheikh u qoreen in macjaradiisa oo kaliya  Xoolaha Looga Raro dalka sucuudiga oo ah suuqa ugu way nee loo iib geeyo xoolaha soomalida,,

Abu yaasir wuxxuu duulaan kusoo qaaday dekadaha Berbera iyo Boosaso iyo dhamaan dadka soomalida ah ee xoolaha ka ganacsada,

Dabcana wuxuu qayb wayn ka qaatay dagaalka qaawan ee maamulka muqdisho kusooo qaaday Saomaliland maadama uu lasoo saftay  Madaxwaynaha maamulka xamar,

Hadaba sida anu illo xog ogaala ka helnay shirkii labaad eek a dhacay jabuuti wiigii aynu soo dhafnay  waxaa fadhiyay labada ganacsade  e Caadil xarbi  iyo Cabdala najab oo ah raga xoolaha ka dhoofsanayay dekada berbera 20 sano ee udanbaysay sidoo kalena waxay leyihiin maraakiibta waawayn ee xoolaha ka qaada Berbera Caadil1, Caadil 2 iyo Abu yaasir 2,iyadoo haben hore markabkii xoolaha ka qaaday dekada Berbera aha Caadil 2

wararka kale ee laga helayo ilo xog ogaala ayaa sheegaya shirkaa ka dhacay jabuuti  ee loogu tashaday dhoofka xoolaha soomalida waxaa fadhiyay rag ka mida ganacsatada xoolaha e mid kamida macjarada Berbra ka shaqeeya,

Hadaba waxaa xusid mudan in ganacsatada carbeed ee xoolaha ka dira dekada Berbera qaarkoodna ku leeyihiin macjaro ay ka qaybgaleen Afganbiga  dagaalku weheliyo ee lagusoo qaday Somaliland iyo butlanba,

 wararkan ayanu intooda badan xogtooda ka helnay ganacsade  xiligan ku sugan Muqdisho magaciisuna yahay maxamed cabdilaahi Ciise, iyo ganacsade reer berbera ah  oo kamida raga xoolaha ka dhoofsada dekada Berbera Cabdi Cumar Cisman ,

Hadaba waxaa layableh in ganacsade Abu Yaasir  uu yahay ganacsadha kaliya ee macjarada kawada furtay Berbera, Jabuuti iyo Boosaso dhanka kalena sadex jeer oo hore ayuu usabab aha xayiraado sucuudigu kusoo rogay  dhoofka xoolaha soomalida ee laga Raro dekadaha Berbera ,Boosaaso iyo dekadaha kale ee soomalidu leedahay,

dhawan ayay ahayd markii Berbera laga siiyay dhul baladhan oo uu macjar labaad ka samaysto laakiin wuxuu udhurtay in cadaawad xun uu umuujiyo Somaliland isagoo xaalada taagan lasoo saftay maamulka xasan sheikh,

Hadaynu usoo noqono lacagta uu ugu baaqay in uu siinayo maamulka xamar  cala neef wa sidan hoos ku xusan

Adhiga cala neef $4.5 ayuu usaaraya khidmada dhoofka xoolaha

2 Geela cala neef  $ 28 ayuu usaaraya  khidmada dhoofka xoolaha

3 Lo,da cala neef $ 20  ayuu usaaraya  khidmada dhoofka,

Sida xogaha anu helnay muujinayan wuxuu sii bixiyay ama qadimay $3000,000 oo Doolar,

Ugu danbayntii waxa is waydiin leh sida ay uga falcelin doonto xukuumada Somaliland iyo shacabka soomalida ah eek a shaqaysta dhoofinta xoolaha Noolba arinkan oo ah dagaal qaawan oo ganacsade Abu Yaasir kusoo qaaday xoolaha soomalida oo dhan sidii kaligii kooto loogu xidhi lahaa,

Xogtan ayaanu dabo soconay sadexdii jeer ee laga shirayba  ka kowad ka dhacay Xamar, ka labaadna  jabuuti halka  ka sadexaadna aha kii maanta heshiiska loogu saxeexay,