Sida askari aan daacad ahayn iyo 25 milyan oo doollar ay u horseedeen soo qabashada Saadaam Xuseen

0

Waan soo xirnay Saadaam Xuseen, maanta waa maalin ku weyn taariikhda Ciraaq, kuwaaas waxaa ay ahaayeen eraydii Paul Bremer, oo ah mas’uulkii dowladda Maraykanka ee arrimaha Ciraaq, oo shir jaraa’id kaga dhawaaqay in la qabtay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saadaam Xuseen 13-kii bishii December 2003.

Goobta uu kaga dhawaaqayay qabashada madaxweynihii Ciraaq, waxaa ku sugnaa wariyeyaash gudaha iyo dibadda oo bilaabay inay u sacbiyaan markii uu hadalkaasi sheegay, balse qaarkood ayaa ka xumaaday, waxaa uu ka baxay hoolka shirka jaraa’id uu ku qabtay isaga oo eryada kore ku qaylinaya.

Xarigga Saadaam Xuseen waxaa uu ku salaysnaa xog sir ah, taas oo Sirdoonka Maraykanka ku hoggaamiyay god qarsoodi ah oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaal meel u dhow magaalada Tikrit oo ah halkii uu ku dhashay oo uu ku dhuumaalaysanayay.

Sida uu sheegay Kornayl Maraykan ah oo lagu magacaabo James Hickey oo hogaaminayay kooxdii soo qabtay Saddaam Xuseen, askarta ayaa doonayey in ay bambaanooyin ku tuuraan godka dhulka hoostiisa markii uu ka soo baxay madaxweynihii hore ee Ciraaq oo is dhiibaya waxaan ay ayhed maalin sabti ah

Ciidamada Mareykanka ayaa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Saadaam Xuseen ka helay nin lagu xiray magaalada Baqdaad maalintii Sabtidii.

Qofka lagu xiray magaalada Baqdaad ma ahayn oo kali ah qaraabada Saadaam Xuseen, laakiin sidoo kale wuxuu ahaa shaqsi saa’id ugu dhawaa.

Ka dib markii xogtan la helay kow iyo tobankii barqannimo, waxaa la sugayay inta mugdi soo galayo.

Salaaddii maqrib kadib 600 oo askari oo ka tirsan qaybta 4-aad ee ciidamada Maraykanka ayaa bilaabay inay u dhaqaaqaan labo goobood oo suurtagal ay ahayd in laga helo Saadaam Xuseen oo u dhow magaalada Al-Dawar, oo aan sidaa uga fogayna halka uu ku dhashay Saadaam Xuseen oo ah Tikrit.

Waxaa uu ahaa hawlgalkii lagu soo qabtay Saadaam Xuseen, kaas oo ay horkacayeen laba horin oo askar ah oo lagu kala magacaabo ‘Wolverine one ‘ iyo ‘Wolverine Two’ ay ka qeyb qaateen.

Labada kooxood ee duullaanka ahaa ayaa isku mar siddeeddii saac ee habeennimo soo weeraray labadii goobood ee qarsoodiga ahaa ee la filayay in Saadaam Xuseen uu ku jiro, laakiin way waayeen.

Intaasi ka dib waxa ay gabi ahaanba xireen goobtaasi, waxana ay bilaabeen hawlgallo ay ku baadi goobayaan godod kale, waxaana ay heleen beer yar oo afar gidaar ku dhex taal, taas oo ka kooban dhisme bir ah iyo carro dhoobo ah.

Godka dhulka hoostiisa ah ee uu ku dhuumanayay

God yar

Intii ciidamadu ay wadeen baritaanka beerta waxaa ay ka heleen meel yar oo leh ‘daloolka caarada oo kale, waxaa halkaasi yaallay roog wasakhaysan iyo khashin badan.

Sida uu sheegay Korneyl Hickey, oo hoggaaminayay kooxdii soo qabatay Saadaam Xuseen, askarta ayaa arkay godka iyo hooska gudaha, ayada oo intaas kadib qof labada gacmood uu godka kasoo taagtay isaga oo is dhiibay.

“Markii Saadaam Xuseen laga soo saaray godka wuxuu u muuqday qof wareersan oo naxsan” sida uu sheegay janaraal Ray Odierno, taliyahii qaybta 4-aad ee lugta.

Waxaa uu sheegay inkasta oo Saadaam uu gacanta bastoolad ku haystay haddana ma sameeynin wax iska caabbin ah markii la xirayay.

Sida laga soo xigtay Janaraal Brian Reed, oo ah sarkaalka hawlgallada ee qaybta 4-aad ee lugta, Saadaam markii gacanta lagu dhigay wuxuu ku hadlay luqadda Ingiriisiga wuxuuna u sheegay askarta, “Magacaygu waa Saadaam Xuseen.” Waxaan ahay madaxweynaha Ciraaq, waxaana doonayaa inaan wada hadalno”.

Janaraal Bryan ayaa ugu jawaabay “Hambalyo ayaan kaaga wadnaa Madaxweyne Bush”.

Labo nin oo kale oo la rumeysan yahay inay la socdeen Saadaam Xuseen, ayaa sidoo kale la qabtay oo su’aalo la weydiiyay.

Godka laga helay noocee ayuu ahaa?

Muuqaalka godka dhulka hoostiisa ah

Godka dhulka hoostiisa ah ee uu isku qarinayay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq ayaa ah mid qoto dheer oo lix ilaa siddeed fiit ah, waxaa uu ahaa mid ku filan meel uu hal qof jiifsado, marin ay hawadu marto ayuu lahaa sidoo kale.

Janaraal Odierno ayaa sheegay in beerta yar ee godku ku yaal ay lafteedu aad u yarayd oo ka kooban laba qol oo yaryar.

Qolka waxaa sidoo kale u yaal dhar yar oo isugu jiray funaanado jaakado iyo tay.

Sidoo kale General Odierno wuxuu sheegay in mar kasta oo ciidamada isbahaysigu ay joogaan aaggan,uu Saaddam Hussen gali jiray godka dhulka hoostiisa.

Yaa bixiyay macluumaadkii ugu dambeeyay ee Saadaam lagu qabtay?

Saaddam Xuseen

In kasta oo aagga laga helay Saadaam Xuseen ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay dhowr jeer oo hore ka baareen haddana weligood uma suurtagelin in ay Saadaam Xuseen ay ka helaan goobtaas, sababtoo ah waxa la rumaysan yahay in uu si joogto ah u beddelo halka uu ku sugan yahay.

Laakiin markii mid ka mid ah qoyskiisa lagu xiray magaalada Baqdaad si su’aalo loo weydiiyo, Mareykanka wuxuu helay “xog sugan” oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareynkanka ee soo qabtay Saadaam Xuseen ayaa sheegay in aan laga helin godka laga laga soo qabtay telefoonada gacanta ama qalab kale oo isgaarsiin ah.

Taliyahii ugu sareeyay ciidamada Maraykanka ee Ciraaq, janaraal Ricardo Sanchez, ayaa sheegay qabashada ka dib in “Saddam uu ahaa mid caafimad qaba aysan jirin wax dhaawac ah oo uu qabay.

Marka laga soo tago Saadaam, askarta soo qabtay waxay sidoo kale goobta ka heleen lacag dhan todobo milyan iyo bar doolarka Maraykanka ah labo qori oo AK-47 ah iyo shandad dukumiinti ah .

In kasta oo qabashada madaxweynihii hore ee Saaddam Xuseen ay saldhig u ahyed xog sirdoon, haddana waxa la qiyaasayaa in $25 milyan oo abaal-marin ah oo Maraykanku ugu yaboohay qofkii keena xog horseedi doonta ah soo qabashada Saddaam ay door ku lahayd in la wiiqo daacadnimadan soo jireenka iyo gacanta lagu soo dhigo .

Sannadkii 2004-tii ayaa barnaamijka Panorama ee BBC-da lagu shaaciyay in xogta ku saabsan halka uu Saddaam ku dhuumanayay ee sirta ah uu bixiyay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Cumar, kaasoo ka mid ahaa saaxiibbadii Saddaam, mar u ahaa waardiye,waxaan la sheegay in markii uu xogta bixiyay aan la siin 25 milyan oo doolar ee abaal-marinta ahaa.