Dad badan oo reer Zimbabwe ah ayaa si layaab leh uga falceliyay kadib markii Mthuli Ncube loo magacaabay “Wasiirkii Maaliyadda ee Afrika ugu Wanaagsan Sanadka” iyadoo waddankiisu uu ka jiro qalalaase dhaqaale.
Mid ka mid ah dadka isticmaala barta X, oo horay loogu yaqaannay Twitter, ayaa sheegay in abaal marintu ay la mid tahay “in la guddoonsiiyay kabtanka markab si toos ah ugu jiheeyey goob baraf uu ka jiro”.
Isticmaale kale ayaa ku tilmaamay “kaftankii ugu weynaa ee toban sano”.
Heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ayaa gaartay 85%, sida ay sheegeen dhaqaaleyahannada.Kalsooni la’aan jirta ee lacagta gudaha awgeed ayaa sababtay in Ilaa 80% dadku ay wax ku kala iibsadaan lacagta doollarka Mareykanka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Hay’ada bixisay abaal marintaan oo lagu magacaabo Reputation Poll International oo sheegta in ay “sumcadda kor u qaadaan” ayaa Mr Ncube siisay abaalmarinta Axaddii.
Wasiirka oo uu magacaabay Madaxweyne Emmerson Mnangagwa 2018-kii, ayaa u sheegay wargeyska ay dawladdu maamusho ee Herald in uu aad ugu faraxsan yahay in lagu abaal mariyo shaqadiisa.
Waxa uu sheegay in ay tahay aqoonsiga shaqadii ay qabteen isaga iyo kooxda hantidhowrka ee “hormuudka ka dhigay isbeddelka dhaqaalaha”.
Si kastaba ha ahaatee, Hopewell Chin’ono oo ah qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, ayaa ku sheegay barta X in abaal marintu ay tahay “aflagaado” ku wajahan dadka reer Zimbabwe.
Waxa uu muujiyay kalsooni darro gaar ah kadib miisaaniyaddii Mr Ncube uu dhawaan soo jeediyay, isaga oo ku tilmaamay “miisaaniyadii qaranka ee dadka ka soo horjeeday isla markaana abid ay Zimbabwe yeelato”.
Tani waxay keeni doontaa kororka canshuuraha, waxayna sare u qaadi doontaa khidmadaha baasaboorka oo gaari doonta $200, halka ay ka ahayd $120, taasoo ka dhigaysa midka ugu qaalisan gobolka.
Mr Chin’ono ayaa intaa ku daray in Mr Ncube uu “maamulo dhaqaalaha ugu xun adduunka” oo uu keenay siyaasad gurracan iyo musuqmaasuqa.
Dhaqaalaha Zimbabwe ayaa lala halgamayay tobanaan sano. Doolarka ayaa laga saaray Zimbabwe sanadkii 2009-kii, kadib markii sicir bararka uu gaaray boqolkiiba 231 milyan, taasoo la micno ah in qiimuhu uu saacad walba is beddelayo.
Dadka dhaleeceeya waxa ay eedda ku sheegeen maamul xumo ka timdi xisbiga talada haya ee Zanu-PF, oo markii ugu horreysay kasoo billowday xukunkii Robert Mugabe. Waxa ay iyaguna ku eedeeyeen cunaqabataynta ay saareen wadamada reer galbeedka.
Dhammaadkii asbuucii hore dalka Zimbabwe waxaa ka dhacay doorashooyin ku celis ah oo muran badan dhaliyay kadib markii xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee CCC dib loogu yeeray.
Musharrixiinta Zanu-PF ayaa ku guuleystay todobo ka mid ah sagaalkii ku celiska ahayd balse weli saddex kursi ayaa ka dhiman saddex-meelood laba meel aqlabiyadda baarlamaanka ee looga baahan yahay in wax laga beddelo dastuurka.
Mthuli Ncube, waa Wasiirka Maaliyadda ee Zimbabwe oo uu magacaabay madaxweyne Emmerson Mnangagwa, waxa uu horay u ahaa madaxii dhaqaalaha ee hore iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika.
Kahor inta uusan ku biirin bankiga, waxa uu ahaa hormuud dhaqaale iyo bare sare.
Waxa uu horraan helay tiro abaal marinno ah, oo dhinaca maaliyadda ku saleysan.
Guud ahaan dalalka Africa ayaa lagu dhaliilaa hab maamulka dhaqaalaha – mas’uuliyiinta dhaqaalaha ay la kulmaan eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Shaqo la’aanta dhallinyarada iyo sicir bararka ayaa arrinta kasii dhigeysa mid cakiran