Halka uu hubka nukliyeerku ugu qarsan yahay dalka kaliya islaam ah ee haysta hubkan

0

Pakistan waxay hadda haysataa wadarta 170 madaxyada hubka nukliyeerka ah, kuwaas oo lagu hayo saldhigyo milatari oo gaar ah, sida ay qabaan saynisyahannada ugu sarreeya Maraykanka ee nukliyeerka.

Hadii Pakistan ay horumarinta kaydkeeda hubka Nukliyeerka sidan kusii waddo, tirada hubka Nukliyeerka waxay gaarsiin kartaa 200 oo xabbo marka la gaaro sannaka 2025-ka.

Macluumaad ku saabsan halka ay yaaliin gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dheer ee qaada madaxyada nukliyeerka ayaa lagu sheegay jaraa’idka ‘Bulletin of the Atomic Scientists’ oo la daabacay Sebtembar 11-keedii.

Gantaalada xambaari kara Nukliyeerka iyo qalabkooda lagu daabulo ayaa lagu ssameeyaa Xarunta Difaaca Qaranka ee ku taal Buurta Kala Chitta Dahar ee galbeedka Islamabad.

 

Sawirrada dayax-gacmeedku waxay muujinayaan in xaruntani ka kooban tahay laba qaybood. Gantaallo iyo matoorada gantaallada ayaa lagu sameeyay, laguna tijaabiyaa Galbeedka Islamabad.

Waxaa dhanka waqooyi bari ee Fateh Jang laga helay cadaymo ku saabsan waddo ay maraan gaadiidleyda Erector Launchers (TELs) oo daabula hubka nukliyeerka.

Sawirka oo la qaaday bishii Juun ee sannadkan 2023, waxa kale oo uu muujinayaa shaagagga gawaadhida (Erector Launchers) ee Nasr, gantaalaha balaastigga ee Shaheen-1A iyo gantaalka joogga hoose ku duula ee Babur.

Gantaal ballistic ah

Sida ay sheegayaan wararku, Pakistan waxay hadda haysataa lix gantaal oo gantaalaha ballistic-ga ee Nukliyeerka ah, kuwaas oo isla markiiba la adeegsan karo.

Kuwaasi waxay kala yihiin Abdali (Hatf-2), Ghaznavi (Hatf-3), Shaheen-I/A (Hatf-4) , Nasr (Hatf-9), Ghauri (Hatf-5) iyo Shaheen-2. (Hatf- 6). Waxay isugu jiraan kuwa ridada gaaban iyo kuwa ridada dhexe.

 

Warbixintu waxay gantaaladu ay yaalaan 8 ilaa sagaal goob oo kala duwan gudaha Pakistan.

Noocyada ridada gaaban ee kala ah (Babar, Ghaznavi, Shaheen-1, Nasr) waxay ku qarsan yihiin 4 ilaa 5 goobood oo ku teedsan xadka Hindiya iyo Pakistaan wadaagaan.

 

Waxaa jira saddex ilaa afar saldhig oo militari oo ku yaala gudaha dalka, halkaas oo lagu hayo gantaalada riddada dhexe ee (Shaheen-2 iyo Ghauri).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aan si dhab ah loo sheegi karin inta saldhig ee Pakistan ay ku haysato gantaalada qaadi kara madaxyada Nukliyeerka. Laakin sawir dayax-gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya in Pakistan ay leedahay ugu yaraan shan saldhig oo gantaalo ah oo awood u leh in ay soo saaraan madaxyada nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, tiradooda wax badan iskamay beddelin tan iyo sannadkii 2016, ayay tiri warbixintu.

Liiska shantan saldhig ee gantaallada ayaa ah sidan

1) Saldhigga milatari ee Akro

Waxay 18 kiiloomitir waqooyi ka xigtaa magaalada Hyderabad ee gobolka Sindh, waxayna 145 kiiloomitir u jirtaa xadka Hindiya.

Waxaa jira lix bakhaar oo gantaallo ah, oo loogu talagalay 12 gantaal.

 

Balaarinta saldhigan milatari waxa uu socday ilaa sannadkii 2004. Falanqaynta baabuurta lagu arkay sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaysa in gawaarida shanta ah ee la arkay gaadiid u yihiin qalabka nidaamka gantaalaha Babur cruise.

Qiyaasta ridada ee gantaalka Babur waa 450 ilaa 700 km. Pakistan waxa ay sidoo kale samaynaysaa qalab gudaha badda kasoo ridi kara gantaalkan.

2) Saldhigga ciidanka ee Gujranwala

Saldhigga militari ee Gujranwala waa dhismaha ugu weyn ee militariga Pakistan. Wuxuu ku fidsan yahay dhul garaya 30 kiiloo mitir oo laba jibbaaran oo dhaca waqooyi bari ee gobolka Punjab.

Masaafada uu u jiro xadka Hindiya waa 60 km.

Gantaal ridayaasha lagu arkay sawirada dayax-gacmeedka ayaa tilmaamaya in loogu talagalay gantaalada riddada gaaban.

 

3) Khuzdar

Saldhiggan gantaallada ayaa ku yaalla meel qiyaastii 220 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Sakkar ee gobolka Balochistan. Waa mid ka mid ah saldhigyada gantaallada ee ka fog xadka Hindiya.

Sida Akro, bakhaarro dhulka hoostiisa ah ayaa halkan laga dhisay si loogu kaydiyo hubka nukliyeerka.

Caddeymaha laga arkay sawirrada dayax-gacmeedka ayaa tilmaamaya in kuwan loogu talagalay gantaallada Ghauri ama Shaheen-2 ee awoodda nukliyeerka leh.

4) Pano Akil

Waxa uu ku yaalaa meel 60 kiiloomitir u jirta xadka Hindiya ee gobolka Sindh, saldhigan milatari waxa uu leeyahay garaash lagu rakibo qalabka wax soo saara iyo gaadiidka laga rido gantaalada.

Sawiradan ayaa muujinaya in kuwani ay yihiin gantaalada Babur iyo Shaheen-1.

5 )Sargodha

Intii u dhaxaysay sannadihii 1983 iyo 1990, Pakistan waxay u isticmaashay dhismahan wayn ee buuraleyda Kirana, barnaamijkeeda nukliyeerka.

Waxa jira 10 garaash oo gaadiidka laga rido gantaalada ah iyo laba garaash oo kale kuwaas oo loo isticmaalo dayactirka.

Gantaalada dhulka iyo baddaba laga gano

Babar (Hatf-7) waxa uu la mid yahay gantaalka Tomahawk ee Maraykanka oo leh xawaare hoose. Waa gantaal bad-mareen ah.

Gantaalka Babur-1 wuxuu gaaraya masaafo dhan 600 ilaa 700 kilomitir marka dhulka laga gano. Laakiin, hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa ku qiyaasay inta u dhaxaysa 350 kiiloomitir.

Pakistan waxa ay sheegtay in Babur-2 uu gaarayo masaafo dhan 700 km. Babar-3 ayaa sidoo kale gaaraya meel dhan 700 oo km, laakiin waxaa loo sameeyay in badda laga rido.

Babar-3 waxaa lagu rakibi doonaa seddexda gujis ee Pakistan ee kala ah Khan, Panda iyo Narang. In kasta oo soo daabulidda maraakiibta badda quusta ee cusub uu dib u dhac ku yimid, haddana waxaa suurtogal ah in la geeyo gantaalka Babur-3 ee hubka nukliyeerka ah.

Tan waxaa barbar socda, Pakistan waxa ay horumarinaysaa ‘Harba’, oo ah nuqul ka mid ah gantaallada loo yaqaan ‘Babar cruise missile’. Sidoo kale waxaa lagu rikibay maraakiibta dagaalka sanadkii 2022-ka.

Afhayeenka Pakistan waxa uu Harba ku tilmaamay gantaal nooc walba oo cimilada ah la adeegsan karo wuxuuna gaaraya 290 km.