Maxaa ka jira inay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlayaan baddii ay xukuntay ICJ?

0

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay war laga soo xigtay madaxweynaha Kenya oo la xiriiray murankii badda ee maxkamada caalamiga ah ee Cadaalada ay u xukuntay Soomaaliya.

Hadalka laga soo xigtay madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegayey in Jabuuti ay “dhexdhexaadinayso deriska ay saaxiibada yihiin” ee uu u dhexeeyo muranka badda. Hadalkaas ayaa loo fahmay in uu jiro dedaal xal looga gaarayo arrinka kadib markii ay Kenya diiday go’aankii maxkamada caalamiga ah.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa bishii Oktoobar 2021 waxay dacwadda u xukmisay dhinaca Soomaaliya ka dib dhowr sano oo labada dhinac uu mid kasta ku dacwoonayey inuu leeyahay qayb ka mid ah badda u dhaxaysa labada dal oo la sheegay in shidaal laga soo saarayo.

Soomaaliya waxay sheegtay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in heshiis ay ka geli doonto xukunka dacwadda xuduud badeeda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) oo la hadlayey guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa sheegay in aysan arrintaas waxba ka jirin.

“Dacwada badda maxkamad ayey ku dhamaatay, meel looga noqdana ma laha, madax banaanida dhulkaasna Soomaaliya ayaa loo xukumay, waxyaabo kale oo ah sidii loo fulin lahaa in laga wadahadlo waa suurtogal, laakin lagama wada hadlayo lahaanshaha dhulka” ayuu yiri Cali Balcad.

 

Wuxuu intaa ku sii daray “hadalkii uu Ruto ka jeediyey Jabuuti wuxuu ahaa hadal nagu cusub, hadal aan wax ka ogeynna ma ahayn, umana malaynayo inuu jiro khilaaf jira oo Jabuuti ay maanta xallinayso, mana aysan nagala soo xiriirin, laakin waxaan aaminsanahay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid kama dambays ah. Haddii ganacsi iyo dhaqaale iyo arrimo kale laga wada hadlayo waa goonideeda”.

Dhinaca Jabuuti ayaan si rasmi ah uga hadlin inay “dhexdhexaadinayso” Soomaaliya iyo Kenya.

Khilaafka xuduudda badda ee labada dal wuxuu ahaa mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda ah. Dhulka la isku hayey ayaa ah seddex xagal ku yaalla badweynta Hindiya oo ku fadhiya 100,000 oo mayl oo isku wareeg ah.

Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya ee xilligaas, Cusmaan Abokor Dubbe oo iminka ah senator ka tirsan aqalka sare, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka.

Ilaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in laynka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay.

Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal.

Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 qof oo u fadhiistay go’aan ka garidda khilaafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso.

Maxkamadda ICJ ayaa la timid layn cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aadday dhanka Soomaaliya.

Madaweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaalad ah.

Wasiir Cali Balcad wuxuu iminka meesha ka saaray in wax xeer jajab ah ay xukuumadiisu ka geli doonto arrinta badda. “Go’aanka maxkamadda waa kama dambays, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dacwaddan markeedii hore maxkamadda geeyey, waagaas ayuu qaadan lahaa oo uu ogolaan lahaa. Go’aankii shalay maxkamadda lagu geeyey ayaa kama dambays naga ah” ayuu yiri wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.