Geeljrie Rasaas ku furay goob uu joogay wasiirka arimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki

0

Xoolo dhaqato la rumaysan yahay inay ka soo jeedaan Waqooyi Bari Kenya ayaa qalqal geliyay goob uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Kithure Kindiki, ka dib markii ay rasaas ku fureen meel u dhaw deegaanka Ngomeni oo ka tirsan magaalada Kitui.

Warbaahinta Kenya ayaa tebisay dhacdadan oo hadal-heyn weyn ka abuurtay waddanka, xilli ay taagan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay abaarta iyo xiisadaha u dhaxeeya xoolo dhaqatada iyo beeraleyda.

Wasiirka ayaa goobta u tegay inuu u kuur galo xaaladda amni darro ee deegaankaas, ka dib markii geelley hubaysan lagu eedeeyay inay dileen rag deegaanka u dhashay.

Rasaasta oo ka dhacday meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu shacabka kula hadlayay wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda dhexe ayaa horseedday kala carar

Kindiki ayaa sheegay in geelleyda hubaysan ay khatar ku yihiin amniga isla markaana ay dowladdu la xisaabtami doonto, sida ay kasoo xigteen warbaahin ay ku jiraan Daily Nation iyo Standar, oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Kenya.

“Haddii ay la tahay inay ka hub badan yihiin ama ka tababar wanaagsan yihiin ciidamada amniga, waxaan arki doonnaa maalmaha soo socda,” ayuu ku hanjabay wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya.

Xiisadda u dhexaysa xoolo dhaqatada ka soo hayaamay abaarta ka taagan Waqooyi Bari iyo beeraleyda deegaanka Kitui ayaa taagneyd bilihii la soo dhaafay, waxaana jiray dedaallo ay wadaan siyaasiyiinta labada dhinac oo lagu dejinayo xaaladda.

Xoolo dhaqata oo u badan geelley Soomaali ah ayaa ku doodaya inay xaq u leeyihiin in xoolahooda ay u daaq geystaan goob kasta oo kamid ah Kenya, hase yeeshee beeraleyda Kitui oo soohdin la leh gobolka Tana River ayaa ku doodaya in xoolaha ay ka daaqaan dalagooda, taasina ay khasaare ku tahay iyaga.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa labo weerar oo kala duwan lagu dilay labo qof, wasiirka ayaana halkaas u tagay si uu ugu soo tacsiyeeyo qoysaska laga dhintay.

Waxa uu sheegay in rasaasta lagu beegay shirkiisa ay ahayd mid si toos ah loogu gardarreysanayay isaga iyo dowladdiisa.

Amar ka dhan ah xoolo dhaqatada

 

Warbaahinta Kenya ayaa ku warrantay in wasiir Kindiki uu amray in si qasab ah xoolo dhaqatada looga saaro Kitui oo lagu celiyo deegaannadii ay ka yimaadeen.

“Dadkan waxa ay muddo badan ahaayeen kuwo aan la taaban karin. Taasi waa in ay hadda soo afjaranto. Geelleydu waa inay ka baxaan deegaanka Kitui.

Waxa uu sheegay in boolis dheeraad ah iyo laamaha kale ee amniga ay xoogga saari doonaan sugidda amniga Kitui.

Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee laga soo doorto Waqooyi Bari Kenya ayaa codsaday in loo dhimriyo xoolo dhaqata abaarta jirta awgeed, waxaana dhacay kulamo lagu xallinayay arrintan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in uu dib ugu noqon doono Kitui, uuna si deg deg ah wax uga qaban doono qaalaasaha ka taagan halkaas. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la dhammeysitiri doono saldhig boolis oo laga dhisamo magaalada, ciidamo dheeri ahna la geyn doono aaggaas.