Saynisyahanka Itoobiyaanka ah ee biyaha ka baadigoobaya dayaxa

0

njineer Berhanu Bulcha oo ah cilmi baare u dhashay Itoobiya isla markaana noqday muwaadin Maraykan ah, ayaa ku hawlan sidii uu u heli lahaa biyaha la tuhunsan yahay inay ku jiraan badka dayaxa.

 

Ujeedkiisu waa in aadanaha ay hooy waara ka samaystaan dayaxa, waana taa sababta ay muhiimka u tahay in laga helo biyo ku filan dadka halkaa loo wado.

Hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee Nasa ayaa todobaadkii la soo dhaafay dirtay dayax-gacmeed lagu magacaabo Artemis 1, si uu u billaabo sahanka ku aaddan sidii bani’aadanka uu markale u tegi lahaa dayaxa.

Arrinta ah sidii dayaxa lagu gaarsiin lahaa biyo ayaa muhiimad gaar ah leh. Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa ku hawlan sidii biyo ku filan oo joogta ah looga heli lahaa dayaxa la damacsan yahay inuu hooy cusub u noqdo bani’aadanka.In biyo laga qaado dhulka oo la geeyo dayaxa ayaa lagu tilmaamay qorshe uu kharash badan ku kici doono, isla markaana aan la joogteyn karin.

 

Dr Berhanu and his team are developing a prototype light-weight compact spectrometer that could definitively identify where water reserves are on the moon.

Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa ku hawlan samaynta qalab fudud oo lagu ogaan karo goobaha ay dayaxa uga jiraan biyaha.

“Waa hawl adag,” ayuu yiri Dr Berhanu oo BBC-da ugu warramay telefoonka xilli u uku sugnaa xafiis ay leedahay Nasa oo ku yaalla Maraykanka.

Khabiirkan ayaa 13-kii sano ee la soo dhaafay ku hawlanaa samaynta qalab Nasa ka caawin kara baahidda ku aaddan socdaalka hawada sare, hawsha uu hadda hayo ayaana ah tii ugu adkeyd ee loo igmado.

Waxaa horay loo xaqiijiyay in badka dayaxa uu leeyahay keyd biyo. Balse lama hubo nooca ay yihiin biyahaas iyo inay lamid yihiin kuwa laga isticmaalo dhulka.

Qalabka ay hadda ka shaqeynayaan Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa gacan ka geysan doona in la ogaado nooca biyaha dayaxa iyo  tayadooda, arrintaas oo aan horay loogu guulaysan.

Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa lagu maalgaliyay 2.5 milyan oo dollar si ay u sameeyaan qalabka oo dhamaystirkiisa uu qaadan karo muddo laba sano ah.

38 jirkan ku barbaaray caasimadda Addis Ababa ayaa tagay Maraykanka kadib markii uu ka baxay dugsiga sare, waxaana jaamacadda Virginia Commonwealth uu ka bartay culuunta Fiisikiska iyo injineernimada.

“Markii aan tegay Maraykanka, ma haysan cid i caawisa. Waxaa igu adkaaday in aan la qabsado dhaqanka cusub. Kadib waxaan go’aansaday in aan dedaallo oo aan ka guulgaaro waxbarashada,” ayuu yiri Dr Berhanu oo ka warramayay noolashiisii hore ee Maraykanka.

Waxa uu sheegay in si guul loo gaaro ay muhiim tahay in qofka uu hami yeesho, kadibna ka shaqeeyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa hamigaas.