Ma garanayo dal aan dhalashadiisa sheegto, waxaan ahay qof aan dal laheen’

0

Ila Popat in ka badan nus qarni ama 50 sano waxay ku nooshahay dalka Hindiya.

Halkaa ayey ku guursatay, carruur ay ku dhashay, waxayna qaadatay leysanka darawalnimada iyo kaarka doorashada lagu codeeyo.

Balse dalka Hindiya dibadda ugama bixi karto ama uma safri karto waddan kale maadaamaa ay haysan baasboorka dalka Hindiya taasoo haweeneydaasi ka dhigtay mid aan dal lahayn.

Ila Popat waxay dacwad u gudbisay maxkamadda sare ee Bombay si dowladda Hindiya ay ugu amarto baasboor iney siiso.

Popat oo 66 jir ah oo ku dhalatay dalka Uganda haddana 10 jirkeedii wixi ka dambeeyey waxay ku nooleyd dal ay u haysatay iney u dhalatay balse weli looma oggolaan iney qaadato dhalshada dalka Hindiya.

“Marweliba waxaan isweydiiyaa su’aal aan jawaab u haynin oo ah waddankeen u dhashay?,” ayey tiri.

Popat aabbaheed wuxuu ku dhashay uuna ku soo barbaaray magaalada dekadda ee Porbandar oo ka tirsan gobolka Gujarat.

1952-kii ayuu aabbaheed u hayaamay dalka Uganda si uu uga shaqeysto waxyar kaddibna aabbihi waxaa la siiyey baasboorka dalka Britain.

Sannadkii 1966-kii ayey hooyadeed iyo walaalkeed ka yar u dhoofeen dalka Hindiya, xilligaas oo ay dalka Uganda ka dhaceen qalalaase siyaasadeed oo aad u xooggan, oo horseeday in la laalo dastuurka dalkaasi xaalad degdeg ahna lagu soo rogo.

Qoyska Popat markii ay ka soo laabteen Uganda kaddib marka hore waxay ku noolaayeen Porbandar kaddibna 1972-kii ayey u guureen magaalada Mumbai.

 

1997-kii ayay Popat dalbatay baasboorka dalka Hindiya iyada oo raaceyso sharciga waddankaasi u yaalla oo ah haddii ay haweeneyda qof waddanka Hindiya u dhashay ay guursato 7 sana iyo ka badanna ay la noolaato ay xaq u yeelaneyso in la siiyo dhaslahada dalkaasi.

Hase yeeshee iyada oo shuruudihii oo dhan buuxisay haddana waa loo diiday in dhalashada dalka Hindiya la siiyo.

Dhalashada Hindiya markii loo diiday kaddib waxay la xiriirtay qunsuliyadda Britain ay ku leedahay magaalada Mumbai waxayna ka codsatay in dhalashada Britain la siiyo maadaamaa labadeeda waalidba ay haystaan basboorka dalkaasi.

Qunsuliyaddi Britain waxay ugu jawaabtay iney xaq u laheyn in la siiyo baasboorka Britain maadaamaa aabbaheed iyo awoowgeed midna uu dalka Britain u dhalan ayna ka diiwaan gashaneen dalkaasi.

Popat oo ku dhalatay dalka Uganda haddii baasboor dalkaa looga diido waxay markale noqoneysaa qof aan laheyn waddan ay u dhalatay haddii marba kii ay ku dhalatay iyo kii ay ku nooleedba ay u diideen iney dhalashada siiyaan.

“Walaalkeey iga yar wuxuu haystaa baasboorka Ingiriiska, walaaladeey kale baasboorka Hindiya ayey haystaan, aniguna midba ma haysto marka xaalkeeyga waxa uu ku dambeyn doono ma garanayo,” ayey tiri.

Popat markii ugu dambeysay oo baasboorka Hindiya ay codsato waxay ahayd 2019-kii balse nasiib darro codsigeedii lama aqbalin.

Ila Popat rajada keli ah ee ay hadda sugeyso waxay tahay maxkamadda sare ee Mumbai iney dowladda Hindiya u yeerto amarna ay ku siiso baasboor iney siiyaan haweeneydan dal la’aanta ay ku dhacday si ay xoriiyad ugu safarto eheladeeda dibadaha ku noolna ay u booqato.