Maxaad ka ogtahay marinnada tahriibka ugu halista badan adduunka?

0

Labo masiibo oo dhimasho sababtay ayaa saameysay dadka isku dayaya inay ka gudbaan xuduudaha caalamiga ah.

Jimcihii, ugu yaraan 23 qof ayaa dhintay ka dib markii dad aad u tiro badan ay isku dayeen inay ka gudbaan xayndaabka soohdinta Morocco si ay u galaan marinka Melilla ee Waqooyiga Afrika waxayna doonayeen inay u tallaabaan dhinaca Spain.

 Saddex maalmood ka dib, booliska magaalada San Antonio ee dalka Maraykanka ayaa ugu yaraan 46 qof ka dhex helay gaari xamuul ah oo goob looga tagey.

 Khuburrada ayaa ka digaya in arrintani ay horseeedi karto inay dhimasho hor leh sababto.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobey (IOM), ayaa ku qiyaastay tan iyo 2014 ku dhawaad ​​50,000 oo muhaajiriin ah inay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya inay gaaraan meelo ay ka mid yihiin Mareykanka ama Midowga Yurub.

Hay’addu waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ee dhintay iyo kuwa la la’yahay ay intaas ka badan karaan.

Haddaba, maxay kala yihiin goobaha ugu halista badan adduunka ay maraan dadka tahriibaya?

Bartamaha Mediterranean-ka

Halista badda Mediterranean-ka

Sida laga soo xigtay hay’adda IOM, tani waa marinka ugu dhimashada badan adduunka ay maraan dadka tahriibaya.

Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 19,500 oo qof ay ku dhinteen xilli ay isku dayayeen inay ka tallaaban badda Mediterranean-ka ilaa 2014-kii.

Muhaajiriinta halkan ka gudba ayaa raacaa doomo la isku rakibay iyo kuwa ciriiri ah oo sida doomaha cinjirka laga sameeyay kuwaas oo safarka ka dhiga mid halis ah oo sababi kara dhimasho.

 Doomahan waxaa inta badan kaxeeyaa kooxo dambilayaal ah oo dadka tahriibiya.

 Dalalka Tuunisiya iyo Liibiya ayaa kamid ah meelaha ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya inay gaaraan Yurub iyagoo sii maraya marinka dhexe ee badda Mediterranean-ka, xitaa waxaa jiraa qabuuro loo sii diyaariyay dadka qaraqmay badda.

“Marka aan xabaalahan, aad baan u naxaa” ayay tiri Vicky oo ah gabadh tahriibeysay oo kasoo jeedo Nigeria oo rajeyneysay inay ka dhaqaaqdo Tunisia xilli ay u warrameysay wakaaladda wararka ee AFP.

 Waxay intaa ku dartay, “Marka aan arko qabuurahan, waxaa shaki iga galayaa in aan maro marinkan”

 “Tagitaanka muhaajiriinta ee bartamaha Mediterranean-ka ayaa sii socda. Waxa walaaca ugu badan leh waa tirada badan ee dhimashada ee joogtada ah ee marinka ugu halista badan ee adduunka.

Nolol badan ayaa marinka sii gaalaafanaya iyada oo aysan jirin tallaabo la taaban karo oo ay qaadeen dowladuha,” ayay tiri Safa Msehli, oo ah afhayeen u hadashay IOM.

 Frontex, Hay’adda Ilaalada Xeebaha iyo Xuduudaha Yurub, ayaa ku warameysa in ku dhawaad ​​300,000 oo qof la badbaadiyay iyagoo isku dayaya inay wadadan adeegsadaan tan iyo 2015kii.

Waddooyinka mara gudaha Afrika

 

Saxaraha Afrika

Qaar badan oo muhaajiriin Afrikaan ah, riyada ah inay gaaraan Yurub waxay ku bilaabataa safar ay ku maraan qaaraddooda oo inta badan ku lug leh inay ka gudbaan dhulka Saxaraha oo ay u sii maraan dalalka Waqooyiga Afrika.

 Halista ugu weyn ayaa xaaladaha ka jira deegaanka, IOM waxay ku qiyaastay in marinka Saxaraha ay ku dhinteen 5,400 qof intii u dhexeysay 2014 iyo 2022.

Saxaraha dhexdiisa waxaad ku arkaysaa dad ku dhimanaya, oo aan awood laheyn ayaa halkaa ku dhintay, iyagoo harraad u dhimanaya maadama ay biyihii ka dhammaadeen,” ayuu yiri Cabdullah Ibrahim, oo kamid ah tahriibayaasha xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Tahriibayaasha waxay sidoo kale dhibaato kala kulmaaan kooxaha wax tahriibiya.