Ciidammada Maraykanka oo dib isaga celiyey keeg ay xadeen 70 sano ka hor!

0
Meri Mion, whose cake was stolen during the final days of World War Two

Ciidamada Mareykanka ayaa haweeney Talyaani ah siiyey keeg dhalasho – si ay ugu beddelaan mid ay askarta Mareykanku ka xadeen isaga oo saaran daaqadeeda 77 sano ka hor.

Meri Mion – oo 90 jirsatay Jimcihii – waxay ahayd 13 jir markii tuuladeeda San Pietro, oo u dhow Vicenza, ay aragtay dagaal u dhexeeya ciidamada Mareykanka iyo askarta Jarmalka.

Hooyadeed waxay u samaysay keeg dhalasho, laakiin waxa qaatay dadka jaanis gaad ahaa – oo malaha gaajaysan – waa ciidammada Maraykanka e.

Ms Mion ayaa sheegtay in keegga beddelka ah ay la wadaagi doonto qaraabadeeda.

“Waxaan la cuni doonaa macmacaanka qoyskayga oo dhan, anagoo xasuusanayna maalintan quruxda badan ee aanan waligay illoobi doonin,” ayay tidhi.

Ciidamada Mareykanka ayaa door ku soo bandhigay xaflad Khamiistii ka dhacday Giardini Salvi ee magaalada Vicenza, iyada oo ay wehliyaan xubno ka tirsan militariga, mas’uuliyiinta deegaanka iyo dadka deegaanka.

Sgt Peter Wallis, oo gacanta ku dhigtay macmacaankaaas, ayaa sheegay in ay ahayd “wax yar oo dhib badan” in la beddelo alaabtii la xaday, “laakin waxay i dareensiinaysaa tani wax wanaagsan”.

Xafladda ayaa waxaa ka hadlay Col Matthew Gomlak oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Talyaaniga, wuxuuna ka hadlay dagaalkii 1945-tii ku dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Jarmalku ee ka dhacay magaalada Corso San Felice e Fortunato ee magaalada Vicenza.

Ugu yaraan 19 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay ama la dhaawacay, waxaana la burburiyay dhowr taangiyo oo Mareykanka ah. Talyaanigii deegaanka ayaa ciidamada Maraykanka u soo bandhigay rooti iyo khamri, xilligii xaaladdu ku xumayd.

“Soo dhawayntaas diirran ee dadka Vicenza way socotaa ilaa maanta,” Col Gomlak ayaa yidhi.

Sgt Wallis (midig) and Col Gomlak (bidix) xilli uu keeggii ku wareejinayey Meri Mion

Habeen ka hor dhalashadeedii, sannado ka hor, Ms Mion waxay hooyadeed kula dhuumanayeen saqafka sare ee beertooda iyadoo dagaalku ka dhacayey meel u dhow.Subaxdii dambe, hooyadeed ayaa keeg u samaysay. Laakiin “farxaddeedii waxay isu beddeshay niyad-jab markii ay askarta Maraykanka ee ay kala tageen,” ayuu yidhi Col Gomlak.Muuqaalka bandhiggaas oo lagu soo bandhigay website-ka ciidammada Mareykanka ayaa muujinaya Ms Mion oo ilmada iska masaxeysa markii loo dhiibayay keegga, iyadoo “dhalasho farxad leh” lagu heesayey luqadaha Talyaaniga iyo Ingiriiska.