Berbera{ Biyoguure News Dalka Sucuudi Carbaiya ayaa xoolaha ka dhoofa mandaqada somalidu degto u furay suuqii xoolaha kana dul qaaday xayiraadi 10\03\ 2022 hal bil aya kazoo wareegtay fasaxaada dhoofka xoolaha ila maantana markab kaliya looma Rarain dalka sucuudiga ,
Xiligan waxaa xoolo kumanaan ah oo isugu jira Geel iyo Adhi ay buux dhafsheen Macjarada Al Jaabiri iyo macjarka Al Mutaxida oo ah macjarka ay leeyihiin ganacsatada shiraakoobay  loona yaqaan Macjarka Wax iska caabinta,  sida anu warar xog ogaala u helnay xoolahasi waxay udhoofi la yihiin carqalad kaga timid dawlad ku sheegta maamulka xamar fadhiya khaasatana wasiirka u qaabilsan xananada xoolaha oo ka doonaya xoolaha ka dhoofaya berbera baad cala neef hal doolar ah
Hadaba hadaynu dib uyar xasuusano bishan bisheedii kal hore markii sucuudigu fasaxay dhoofka xoolaha uga iman jiray Soodan ,Jabuuti iyo dhulkii la isku odhan jiray jamhuuriyada soomaliya maantana kala ah Somaliland iyo soomaliya ayaa waxaa dhacday in wasiirkii xilgaa farmaajo ushaqaynayay ee aha wasiirka xanaanada xoolaha in uu culays saaray maraakiibtii u horaysay ee berbera ka baxda isagoo baad ka doonaya cla nef hal doolar ah lakiin way usuura gali wayday ganacsatadeenuna sutida ayay u qabteen oo way iska celiyeen iyagoo adeegsanay ganacstada carbeed ee xoolaha ka dhoofsada berbera sida Al Jabiri oo kale,
Dabcana caqbadii iyo xaasidnimadii maamulka Xamar halkii ayuu kasii waday maantana xoolo ku dhow 300,000 oo kun oo Adhi iyo geelba leh ayaa mudo bil ah ku xaraysan labada macjar ee Aljaabiri iyo Al Mutaxida xoolahan oo caafimadkooda si wanaagsan looo baadhay una diyarsan in la geeyo suuqyada xoolaha ee sucuudiga waxaa caqbad ku ah Raysal wasaraha mamulka xamar waayo wasiirka tashuushadaynaya ee isku dayaya in warqad xafiiskiisa kazoo baxday lagu rarao xoolahaasi wuxuu  u shaqeeyay raysal was are Rooble,  mana suuro galayso in warqad caafimaadka xoolaha ah xamar ay ugasoo jarto dekada berbera wa cadceda oo xaga kale kazoo baxday,
Ganacsatada xoolahan leh ayaa waxa culays wayn ku ah masaariifta xoolaha oo doonaya baadkii iyo biyihii dhanaka kalena waxaa la galay xiligii kulaylaha oo xooluhu way hararyoonayaan oo ma xamili karaan waqti kale oo dheerad ah inay kusii sugnadaan macjarada berbera,
Xukuumada somalilnd ee wali beer jileecu ugu jiro maamulka xamar ha ogadaan in dagaalkii dhaqaalaha iyo cunaqabataynta aanay ka tanaasulin xamar Arinkana wuxuu dul fadhiya Raysal wasaraha maamulka Xamar Rooble,