Kulankii xalay ee Madaxwayne Muuse Biixi ee Berbera ku dhexmaray  8 Sideed Xildhiban oo labo Golaha Guurtida katirsan yihiin iyo wixii laga wada hadlay, Xildhibanadan aya si cad waxay ugusoo bandhigeen Madxawyne Muuse Biixi qodabo nolasha aas aasiga ah khuseeya , waxana kamid ahaa Laydhka Berbera oo ay tilmameen in xaladiisu aanay fiicnayn gacantan ugalay gancsato macash doon ah oo aan shacabka unaxayn ,iyagoo Madaxwaynaha usheegay xataa qaybtii tTamarta soolarka cadceeda laga dhaliyo ee dawlada Imaradku ku cawisay Shacabka Berbera inaan qiimo kaga jabin ,
Waxaa kaloo xildhibanadan ay farta ugu fiiqeen Madaxweyne Muuse Biixi inuu aad uliito adeega caafimaadka ee Berbera iyagoo dhinacyao badan ka hoga tusaleeyay sida uu liito adeega caafimaad qalab iyo dhakhatiirba, waxany tusaale usoo qaateen in xaladaha deg dega ah bukaanada iyo dadka shilalka ku dhawacmaba loola cararo Hargeysa marka loo waayo daryeel Caafimaad oo Waxtar uleh, waxaanay ugu baqeen Madxwaynaha inuu wax ka qabto bahiyahaa dawladnimadu ku dhisantahay,
Dabcana Xildhibaanadan qaarkood ee warka noosoo dusiyay cabashadii dad waynaha ee ay sideen una gudbiyeen Madxweyne Biixi ayaa naga codsaday inaana magacyadooda la xusin, waxaanay intaa ku dareen in Arimaha kale ee xalay kala hadleen Madaxwayne Biixi ay kamidyihiin cabashada geelayasha Berbera ee muruqmalka ah oo ay isfahmi laayihiin shirkada laga kireeeyay Dekada Berbera ee Dp World, iyadoo mudaba ay caabshdooda ay xukuumada iyo hay,adaha ay khusaysaba u gudbunayeen,
Xildhibanadan kasoo baxay Gobolka Saaxil ee Golaha Wakiilada oo lix ahaa iyo labo Xildhiban oo guurtida ah waxa kale oo ay kala hadleen Madaxwayne Muuse Biixi isha dhaqale ee Hamaha Shidalka Berbera oo ay yidhahdeen Madaxwyne ishan dhaqaale ee Berbera kutaala waxooga shaqale ah oo ka shaqeeya mooyane way ka xidhan tahay waxtarkii kale ee laga kabi jiray Haamaha shidalak sida caafimaadka Waxbarshada iyo iwm,
iyagoo Madaxwaynaha xasuusiyay in Xukuumadii ka horaysay ee Axmed Siilanyo maamuladii joogay ay wax badan tari jireen bulshada Berbera taas oo ahyd wixii degaan ahaan ay xaq ugu lahayeen Isha dhaqale ee hamah shidlka berbera, laakiin takuleentaasi ay Go,day intii uu xilka madaxwaynah qabtay