Tobannaan kun oo qof ayaa ka qeybqaatay dibadbax ballaaban oo ka dhacay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay taageero ugu muujiyaan dagaalka ay dowladda kula jirto xulafada ciidammada fallaagada ee ku gooddinaya inay caasimadda geli doonaan.
Dagaalka ayaa socday tan iyo bishii Nofeembar 2020, waxaana uu u dhaxeeyay ciidammada dowladda Itoobiya iyo ciidammada gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.
Ciidammada waddanka Eritrea ayaa sidoo kale ka dagaalamaya gudaha gobolka Tigray oo waxa ay ka garab dagaalamayaan kuwa dowladda Itoobiya. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaboodfallo gaysteen.