Berbera[Biyoguure News] Ganacsadaha Mulkiilaha Horn cable Tv Farxaan xaaji Cali ayaa la filayaa in uu dhawaan shaciyo hamigiisa ku biirista madsha siyasada Somaliland oo mudaba uu   il qoodha kala socday qaan gaadhna ku noqday badwaynta siyaasada Somaliland iyo ta geeska Afrikaba,
Hadaba hantiilahan Aqoonyahan ka ah siyaasadana isha ka buuxsaday una bislaadey  gaadheyna waqtigii uu ku biiri lahaa siyaasada Somaliland iyo maamulkeedaba waxa illo xog ogaal ihi sheegayan in uu maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa uu madal an siyaasi ka maqneyn uu bulka ku tuuri doono halkaana uu ka cadeyn doono hankiisa siyaasiga ah,
Dabcana waxa illo ku dhow dhow  Aqoonyahan farxan xaji cali ay sheegeen in uu Urur ku hanwaeyn yahey in uu furto hadii la furo ururada siyaaasad isla markaana  uu kalsooni weyn ku qabo bulshada reer Somaliland  in ay garab istaagi doonan , waxase hubaal ah in xisbiyada hada jira ee ucid, Kulmiye iyo wadani mid walba jeclaan lahaa  in uu xisbigooda ka mid noqdo waayo Jaanis badan ayuu haystaa Farxan Xaaji Cali  oo ah degaanka uukasoo jeedo ee saaxil oo xiligan u Ooman hogaamiye Siyaseed oo Aragti fog leh shaxda iyo cayaarta siyaasadna fahan dheer uleh,
Sidoo kale Xiligan Shaacinta hankiis Aqoonyahan ganacsade farxaan xaaji cali Wuxuu kusoo beegmay waqti ay socdaan abaabul shirweyne oo Reer Saaxil fooda isku dari doonan isla xisaabtan beesha gudaheeda ahina dhici doono maadama shirweyne ay ku kulman ay ugu danbeysay shirkii DAN  iyo DUCO ee ka qabsoomay  Degaanka Dubur ee Degmada sheikh mudo toban sano ku dhow ka hor ,waxaana dad Badan oo reer saaxil ahi falan qaynayeen malmhan shirkan boodhka lagaga tumi doono  Ururkii Dan iyo Duco ee Reer Saaxil lahayeen oo mudaba Banjar ahaa,
Hadaba Farxan Xaaji cali wa Mulkiilaha TV,ga  ugu da,da weyn warbahinta muuqqllka tebisa ee Afka soomaliga ku hadasha[Horn Cable Tv] wuxuuna shaqsiyan  kamid yahey dhalinyardii horaantii sagashameedyada dalka dib ugusoo laabtay kana yimid dalwaynaha mareykanka oo uu janisyo badan ku haystay waxaanu kadoor biday dalkiisa bur burku ku dhacey in uu ka qayb qaato dibu dhiskiisa waanu fuliyay,