Qoraa Caalami Ah Oo Isbarbar-dhigay Sida Somaliland Ugu Dhisantay Taageero Laโ€™aan Iyo Soomaaliya Oo Beesha Caalamku Ay Ballaayiin Dollar Ku Bixiyeen

0

Gordon Peake oo ah qoraa Caalami ah, ayaa ka hadlay qadiyadda Ictiraaf-raadinta ee Somaliland, waxaanu ka warramay sida Beesha Caalamku Awoodda u saartay soo noolaynta Soomaaliyada Fashilantay, isla-markaana ay indhaha uga lalisay Somaliland.

Maqaal dheer oo Mr. Gordon Peake uu ku baahiyey Bog uu ku leeyahay Internet-ka, ayuu Ciwaan uga dhigay in Somaliland oo beesha Caalamku indhaha ka qarsatay ay wax wanaagsan qabsatay iyadoon helin taageerada Adduunka intiisa kale โ€œQabsashada Wax wanaagsan Caawimo Laโ€™aan, waa Kiiska Somaliland..โ€ ayuu qoraalkiisa ku yidhi.

Qoraagu wuxuu Maqaalkiisa ku sheegay in Sagaashamaadkii oo Somaliland bilowday inay Madax-banaanideeda kala soo noqoto Soomaaliya, aanay Beesha Caalamka taageero ka helin si ay u dhisanto, laakiin xilligaa Maraykanka iyo Dawladaha ku midaysan Qaramada Midoobay ay 4 Billion oo dollar ku bixiyeen hawl-gallo Millateri oo ujeeddada laga lagaa ahayd dib u soo celinta iyo soo noolaynta Soomaaliyadii burburtay, halka xilligaa Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay Somaliland ku taageereen wax aan boqolkiiba hal dhamayn (1%) oo 4 taa Bilyan ka mid ahaa, si Nabadgalyada loo soo dabbaalo.

Gordon Peake oo maqaalkiisa ku soo xiganaya War-bixinno hore looga qoray Marxaladihii Somaliland soo martay, ayaa sawir wanaagsan ka bixiyey sida Somaliland u guulaystay iyadoon Beesha Caalamka ka helin wax taageero Maaliyadeed ah oo buuran.