Waxaa siwayn loo hadal hayaa dabaysha duufaanka iyo roobka wadata ee la sheegay inay kusoo fool leedahay xeebaha bada cas eee geeska,
Maamulaha xarunta kaluumaysia ee maaalada berbera Ismaacil cabdi xirsi ayaa isagoo khadka telofanka iigu waramay sheeay in laga yaabo in dabayshan roobka wadata soo gaadho xeebaha Somaliland ee sanaag ,saaxil iyo salal waxaanu dadak xeebaha degan uga digayaa inay ka feejignaadaan  dufaanka saadaasha hawadu sheetay i waxaanu faray inay  ka durkaan xeeliga bada sababtoo ah ayuu yidhi si deg deg ah ayay daqiiqado yar dhibaato u gaysan kartaa dabayshan roobka wadataa,
Dabcana wuxuu intaa ku darey isuduwaha kaluumaysia ee g saaxil ismaaciil cabdi xirsi in ay digniin siiyeen kaluumaystada si aanay bada u galin ama kuumaysi u sameyn malmaha khatarta badan ee badu kacsan tahey,
Cabsi badan ayaa ka jirta dabaysja roobka wadata ee la sadaliyay inay ku dhufanayso geeska afrika xeebaha bada cas, Dabayshan oo magaca loo bixiyay yahay Gaado ayaa durba ku dhufatay xeebta gobolka bari ee soomaaliya ama butland waxaana wararka ka imanaya sheegayaan in ay waxyeelo gaysatay bur bur hantiyeed iyo tuulooyin ay gudaha usoo galeen biyaha baduba
Tiraba sadaex qof oo dhalashadaooda lagu sheegay yamen aya lagu arkay xeebta caluula iyagoo mayda, sidoo kalena xaafuun waxa ku caaryay illaa lix doonyood oo kaluumaysatao ,lamina oga dadkii watey nolol iyo geeri waxay ku suan yihiin
Dalka yare e jabuutina waxaa wararku sheeayaan ama saadaasha hawadu in maalinta arbacada ah ay ku dhufan doonto dabayshan roobka wadataa,