โHeshiisyada nabadeed ee ay Israaโiill la gashay Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa, โ wax weyn u noqon doonaโ ganacsiga gobolka,โ mid ka mid ah ganacsatada ugu saameynta badan Bariga Dhexe ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.
Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegay inay meesha ka saarayaan caqabadaha hortaagan isku xirka ganacsiga ee markii horaba โaan la ogoleynโ, iyagoo soo gaabin doona waddooyinka ganacsiga isla markaana fududeyn doona la macaamilka Yurub.
Israaโiill ayaa sheegtay in qiyaas ahaan ganacsiga Imaaraadku uu sannadkiiba gaari doono afar bilyan oo doolar, uuna abuuri karo ilaa 15 kun oo shaqo.
Mr bin Sulayem wuxuu qirsan yahay inay faaโiido u leedahay labada dhinacba: โ Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin.โ

Raysal wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UAE Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain Abdullatif bin Rashid Al Zayani iyo madaxweyne Donald Trump oo ku kulmay Aqalka Cad.
Waxay u badan tahay in ganacsiga Carabta iyo Israaโiil uu koro haddii lagu daro badeecado badan oo haatan ay dalalka bariga dhexe u soo dhoofiyaan Dubai.
Toddobaadkan, Markabka MSC Paris waxuu noqotay mid ka mid ah maraakiibtii ugu horreysay ee xamuul ah oo sameeya safarka labada dal, waxaana baarlamaanka Israaโiil uu si rasmi ah u ansixiyay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta.
Raysal wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay agabkaasi ka kooban qalabka elektarooniga, nadaafadda, birta iyo qalabka dab-demiska waxa uuna ku tilmaamay โbilow aad u weynโ.
DP World waa shirkadda maamusha dekadaha aduunka ugu waaweyn waxayna haatan lashaqeyneysaa shirka DoverTower ee ay Israaโiil leedahay si loo balaariyo dalalka ay shirkadda ka howlgasha. Israel waxay dooneysaa inay hagaajiso xarumaha dekedda ee Ashdod iyo Haifa oo muhiim u ah dhaqaalaheeda.
