Xasuuq
Waxaan anigu ka mid noqday shantii qof ee ugu dambeeyay ee hoos looga dhaadhiciyo buurtii ciidda ahayd, waxaanan ugu tegay dadkii oo fadhiya, una fadhiya sidii hore ee saf-safka ahayd oo kale, madaxana ay kula jiraan jilbaha dhexdooda oo ay askartiina ku harreeraysan tahay.
Askarta mid ka mid ahi ayaa meel gaar ah taagnaa, qiyaastii wuxuu ahaa sarkaalkii watay askartaas. Dadkii aan meeshaas ugu imid waxaan ka gartay Nuur Baaruud oo kaliya.
Markii aan fadhiistay ayuu nin Askari ahi yidhi; ‘Taliye way soo dhammaadeen.’ Ka dibna ninkii sarkaalka ahaa ayaa amarkii bixiyey oo yidhi; ‘Ku fura Rasaasta, maxaad la sugaysaan? Sidaas ayaanay ku bilaabantay rasaastii.
Dadkii waxay noqdeen qof ashahaata, qof qayliya, qof ooya qofba wax buu ku hadlay, daqiiqado yar gudahood ayey naftii kaga wada baxday dadkii rasaasta lagu furay.
Cumar Muuse Mire ayaa yidhi isaga oo sii wada dhacdadaas: “Nasiib-wanaag aniga Rasaastu waxay igaga dhacday garabka hoostiisa oo ay jiidhaysay, waxaanan isku dhex tuuray dadkii kale ee maydka ahaa”
Askartii mar kale ayey haddana soo dhex-galeen maydadkii si ay wixii sii dhaqdhaqaaqaya u dilaan, waxaanay qofkii sii khiikhle ee naftu ka sii gurmeyso ku dhufanayeen dhawr Xabbadood. Woxoogaa ka dib ayuu Sarkaalkii yidhi aniga oo maqlaya: “aasa maydadka oo ciidda ku roga, si aanay u arag cid kale”. Sidaas awgeed ayaa askari kastaa uu mayd lugta qabtay, una jiiday, meelna isugu ururiyeen.
Aniga waxa i jiiday askari, aad baan u gariirarayay, garriirkana ma aan joojin karayn. Askarigaasi wuu dareemay inaan noolahay, waxaanu la hadley askarigii ka dambeeyey oo uu ku yidhi rasaastiiba iga dhammaataye ii dhiib qorigaaga.
Markaa, mid kale ayaa igu soo noqday oo isna lugta i qabtay, waxaanu yidhi; ‘waar maad arag qof dhintaye, kani ma noola ee wuu dubaaxinayaaye ciidda ku rog.’ Sidaas awgeed ayay woxoogaa ciid ah dusha iiga saareen, isla markaasna dhinac ayaan ka neefsanayay.
Intaa kadib ayay Askartii fuuleen baabuurtoodii oo saddex ahaa, markii ay woxoogaa iga sii maqnaayeen ayaan iska rogey ciiddii oo aan kacay, dadkii ayaan eegay iyagoo qof waliba uu googgo’ay, Rasaastiina aad ugu dhacday, naftiina ka wada baxday dhammaantood.
Waxa aan xidhnaa macawis iyo garan aan ku soo toosay, garankiina xabaddii ayaa googoysay. Waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay dhiigii igu masaxmay, kolkaas ka dib ayaan xagga magaalada Muqdisho u soo cararay oo markaa ilaa 30-km ii jirtay.
Qiyaastii illaa lixdii ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii uu xasuuqu ka dhacay, magaaladana 12-kii maalinimo ayaan soo galay, waaxanan gaadhay isla gurigii la iga qaaday habeenimadii.
Isla kolkii aan gurigii soo
galay, waxaa la igu yidhi: waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la
idin qaaday e? Waxaan ku idhi: “aniga ayuun baa ka nool dadkii oo waa
la laayey”. Markaas dadkii ayaa baroor bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo
buuqay.
Aniga oo marka horeba didsanaa, waan
xammili waayay baroorta iyo buuqa. Si aan la iigusoo raacin qaylada oo
aan mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska beddalay
macawistii aan guntanaa, ka dibna aan uga baxay xaafaddii.
Waxa aan raacay bas, waxaanan tegay makhaayad la odhan jiray Cagaaran
oo aan wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray.
Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdikhaalif
Dhaga-weel. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kaxeeyey
iguna qariyey guri uu ku jiray, nabarkiina dawo ayuu iga mariyay.
Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid gurigii aan isku
qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan aqaannay. Way iga tageen
markii aan uga warramay wixii dhacay.
Wakhti aan
ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabnimo, ayaa haddana waxa I soo booqday 7
nin oo ay ku jiraan mid ka mid ah saddexdii hore iyo nin janan ah oo
dirays militeri iyo darajo ku labbisan.
Waxay
wateen gaadhi Laankaruusar ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku
ahaa Jeneraal Xuseen Xasan “Karaj”. Dadka kale ee la socday qaar ka mid
ahi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii. Gaadhigii ayaanu
raacnay annaga oo toddoba ah.
Way I qaadeen,
waxaanan u kaxeeyay bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka
lagu laayey Jasiira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaalla,
dabayshuna ciiddii lagu rogay ka qaadday oo hilbahoodii rasaasi
googoysey. Markay indhahooda ku arkeen wixii dhacay ayaanu dib u soo
noqonnay, ayuu yidhi Cumar Muuse.
Dr.
Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo xilligaas ka shaqaynayay idaacadda BBC-da,
ayaa ahaa suxufigii koowaad ee soo bandhiga Xasuuqii Jasiira. Isla
kolkii ay laanta afka Soomaaliga ee BBC-du baahisay warbixintaas,
gummaadkaas idaacada BBC-du waxay ku baahisay saddex luuqadood oo kale –
Ingiriisi, Carabi, iyo Sawaaxili.
Si isku mid ah
ayay Hay’adaha xuquuqda aadamiga, dawladaha caalamka iyo dunida kale u
ogaatay xasuuqaas, waxaanay sabab u noqotay inuu Siyaad Barre ka baaqdo
ka qaybgalo shirkii Midowga Afrik oo lagu qabanayay Itoobiya.
Afweyne, si uu isaga dhigo in aan waxba kala socon xasuuqaas, wuxuu u
magacaabay guddi maqaar-saar ah oo baadha xasuuqii ka dhacay xeebta
Jasiira, bal se suuragal ma tahay inuu nin dhagarqabe ahi shaqaalihiisa
ku amro inay soo helaan dhagartii uu isla isagu galay? Xiitaa haddii ay
soo helaan, ma ku dhacaan inay run ka sheegi karaan wixii ay
baadhitaanka ku helaan?
Waxa habeenkaas hal meel
lagu wada toogtay sagaal qof oo guri qudha laga la soo wada baxay, afar
qof oo kale oo iyagana isla guri laga la soo baxay, haddii aanu Cumar
Muuse bedbaadi lahaynna, afartaasi waxay noqon lahaayeen shan qof.
Guriyihii buuxay habeen ka hor, habeenkii ku xigay sanqadhi ka ma ay baxayn!
Amarka lagu gummaaday 57-kaas qof waxa uu ka yimid wiilkii Afweyne uu
dhalay ee Maslax Siyaad, waxaana fuliyay Dhagarqabe, Kornayl Ibraahin
Cali Barre (Canjeex) oo dabcan inaadeerkii ahaa, iyada oo aan waraysi
laga qaaday Kornayl Canjeex oo ku saabsan xasuuqii Jasiira, ku soo
bandhigi doono qaybta xigta.
Dadkaas idil
ahaantood waxaa lagu bartilmaameedsaday haybtooda. Akhri magacyada
dadkii la xasuuqay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen:
1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman
3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle – USAID
5.Abiwahab Farah Ahmed – Student
6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman
7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman
8.Abdi Osman Dubad – Trader
9.Mohamed Musa Mohamed – Trader
10.Mohamoud Bacadle – Civil servent
11.Daud SH. Ibrahim
12.Farah Ismail Awale – Student
13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader
14.Dayib Abdi Burale – Trader
15.Husein Omar Husein – Trader
16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U
17.Musa Abdi Gaas – Businessman
18. Abdi Barre Osman – Graduate.
19. Barre Osman Abdi – Trader
20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader
21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr.
22.Ali Mohamed Abdi – Student
23.Abdi Mohamed Abdi – Technician
24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman
25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman
26.Ibrahim Hassan Ege – Technician
27.Abdi Muhumed Daud – Businessman
28.Jama Mohamed Abdi – Trader
29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman
30.Rashid Mohamed Osman
31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader
32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent
33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader
35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student
36.Hussein Osman Jama – Student
37.Khadar Mohamed Ahmed – Student
38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student
39.Hassan Nur Hersi – Student
40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader
41.Hassan Guure Abdi – Trader
42.Khadar nuur Jama – Trader
43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader
44.Mohamed Osman Jama – Trader
45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman.
46.Matan Abdi Habashi – Student
47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib
48.Hussein Ali Aden – Businessman
49.Saeed Nur Musa – Businesman
50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman
51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student
52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv
53.Jama Aden (barosin) – Civil servent
54.Hussein Kheyre Abdi – shicib
55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader
56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader
Tixraac:
1. BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga
2. Somaliland Democracy Watch Organization – SDWO.com
3. Waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay Cumar Muuse Mire.
4. Waraysi laga qaaday Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, 2007.
5. Wargeyska Himilomedia
6. Wargeyska Geeska Afrika
7. Wargeyska Haatuf
8. Wargeyska Ogaal
9. Shabakadda Ramaasnews
Qore: Maxamed Sharma’ake
Sharmaake91@gmail.com