Shiinaha ayaan soo sheegin wax dhimasho ah oo ka dhalatay coronavirus gudaha dalkaas, markii ugu horreysay tan iyo intii uu xanuunku ka dillaacay halkaas. Balse waxaa jira su`aalo isa soo taraya oo ku saabsan saxnimada xogtaas, iyo sida loo aamini karo warbixinta Shiinaha ee ku saabsan dillaacitaanka xanuunka.
Muddo bilooyin ah haatan, subax walba abbaaraha 03:00, saraakiisha Shiinaha ayaa isku soo ururiya xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan faafitaanka fayraska, si ay dunida ula wadagaan. ilaa iyo 7-dii April, waxay diwaan-gelisay 81,740 kiisas iyo 3,331 dhimasho.

Dalkaas oo ah halka uu ka soo bilowday fayraska ayaa ammaan ku muteystay sida uu wax uga qabtay xasaradda. Agaasimaha Guud ee Hay`adda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku ammaanay Shiinaha sida dardarta leh ee ay wax uga qabatay xanuunka.
Balse iyadoo ay jiraan erayadaas diirran ee ka soo baxay WHO, waxaa shaki laga muujinayaa xogta rasmiga ah iyo sheegashada guulaha ku aaddan in Shiinaha uu ka gaaray xakameynta fayraska.
Toddobaadkii la soo dhaafay, wasiir sare oo ka tirsan dowladda Britain, Michael Gove ayaa BBC-da u sheegay “Qaar ka mid ah wararka ka soo baxaya Shiinaha ma caddeynayaan baaxadda, dabeecadda iyo faafitaanka fayraska”.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale toddobaadkii hore sheegay in tirada khasaaraha dhimashada iyo kiisaska xanuunka ee Shiinaha ay u muuqdaan kuw aan laga run sheegin.
Sidoo kale xildhibaannada Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyay inay ka been sheegtay baaxadda dillaacitaanka xanuunka.
Iyadoo kiisaska xanuunka ee dunida ay sii kordhayaan – Mareykanka ayaa durba Shiinaha kala wareegay tirada ugu badan ee kiisaska iyo dhimashada ee coronavirus.
Balse waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku aaddan in Shiinaha uusan gebi ahaanba daacad ka ahayn heerka kiisaska iyo dhimashada xanuunka.
Aaminaad darradan ayaa ku saleysan taariikh hore oo uu Shiinuhu leeyahay.