Kenya oo Malaayiin doolar ku bixineysa horumarinta jaadka Mirro

0

Beeraleyda Khaatka ee Kenya ayaa helaya miisaaniyad lacageed oo lagu horumariyo wax soo saarka beerahooda.

Dadka leh beeraha khaatka uu ka baxo ayaa ku mideysan urur u dooda xuquuqdooda, waxaana markii uu xirmay suuqii Yurub ay dowladda Kenya ku caddaadiyeen sidii ay ugu raadin lahayd meelo kale oo loo iib-geeyo jaadka ama ay wadahadal ula gali lahaayeen dalalka Yurub.

Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay inay kala shaqeyn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa wax soo saarkooda.

Miisaaniyad sanadeedkii shalay la horgeeyay baarlamaanka Kenya ayaa waxaa ku jiray lacag dhan hal bilyan oo shilling, taas oo loo qoondeeyay hormarinta beeraleyda khaatka.

Khaatka ayaa ka mid ah waxyaabaha uu dalkan Kenya u dhoofiyo caalamka intiisa kale, oo dhaqaalaha ka soo baxa ay ku tiirsan yihiin tobonnaan kun oo qof.

Dowladda ayaa sidoo kale canshuur badan ka hesha khaatka dhoofa iyo midka

Qaar ka mid ah culimada Muslimiinta ee Kenya ayaa sheegay in ay “aad u qoonsadeen tallaabada dowladda Kenya ay ku taageereyso beeraleyda jaadka.

“Arrinta aan aad iyo aad uga xumaanay oo aan u aragnay in dowladda ay qalad weyn ku tahay waa in lacagtan meesha lagu soo daray ay tahay canshuurteena”, ayuu yiri Sheekh Cabdisalaam Maxamed oo ka mid ah culimada Kenya.

“Waa lacag anaga naga la qaaday oo lagu kobcinaayo khaatka, oo aan ognahay dhibka uu u keenayo shacabka,” ayuu raaciyay.

Britain waxay ka mid ahayd suuqyada ugu waaweyn ee khaatka la geyn jiray, balse waxaa laga mamnuucay dalkaas sannadkii 2014kii, kadib markii dowladdu ay ogaatay in uu yahay daroogo.Sida lagu sheegay cilmi baaris caafimaad oo la xiriirtay Khaatka, “waa wax la qabatimo oo halis ku ah caafimaadka maskaxda”

Hasa yeeshee markii UK ay mamnuucday, mid ka mid ah beeraleyda ayaa sheegay in “waxaa iska cad ay tahay in tallaabadan ay ganacsigeyga oo dhan baabi’ineyso.”

“Ma ahayn in aan ka mid noqoto malaayiinka qof ee shaqa la’aantu hayso ee weli shaqa doonka ah”.

Balse, maalgelintan cusub ayay dad badan u arkaan in gudaha Kenya ay dhibaato ku tahay.

“Waxkasta ayaa ganacsi noqon kara, mukhaadaraad xitaa ganacsi waad dhihi kartaa, laakiin waa ganacsi khaldan, waa ganacsi umadda dhib u keenaya,” ayuu yiri Sheekh Cabdisalaam Maxamed.

Wuxuu intaa ku daray: “Ganacsigaan (khaatka) waa mid dhib u keenayo bulshada, dhib u geysanayo qoysaska, dhib ku ah dhallinyaradeena. Waa ganacsi aan dhibkiisa lasoo koobi Karin”.