Shirkan saaka ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socda Saddexda xisbi qaran oo ay kala hogaaminayaan Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde iyo gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Cabdi Cabdinaasir Buuni
Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin in arintaa Gudida doorashooyinka laga dhigo qodobka koobaad ee laysla falanqeyn doono iyo in la saaro gudi kooban oo sii wada wada hadalada Xisbiyada.
Kulankan oo ay ka maqanaayeen gudomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa waxaa fadhiga kan xiga ah loo balamay Maalinta Arbacada ah ee soo socota , kaas oo ay gudoomiyayaashu ka qeyb gali doonan kana dhici doona Hotel Ambasadoor.