In ka badan 30 sano ayuu dal ka talinayay balse hadda socodka ayaa dhib ku ah

0

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo 94 jir ah ayaa lagu soo warramaya inuu socodka dhibayo kaddib markii uu xanuunsaday, sida uu sheegay madaxweynaha hadda talada haya Emmerson Mnangagwa.

Mugabe ayaa lagu daweynaya isbitaall ku yaalla dalka Singapore labadii bilood ee lasoo dhaafay balse xannuunka uu la il daran yahay lama sheegin.

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe ayaa marar badan daweyn u raadsaday dalalka dibadda xilliggii uu soo afjaramayay xukunkiisa.

Madaxweyne Mnangagwa oo ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed oo ku qabtay agagaarka xaafadda Mugabe waxaa uu soo hadal qaaday xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalkaasi.

“Hadda waa da’, mana socon karo balse wax kasta uu na weydisto waan la garab taagan nahay” ayuu yiri Mnangagwa.

Markii uu xilka hayay Mugabe waxay saraakiisha dalkaasi sheegeen in laga daweynayay xannuun dhanka indhaha ah, waxay beenin jireen inuu qabay cudurka Kansarka.

Inkastoo hadda uu socodku dhib ku yahay, madaxweyne Mnangagwa wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay uuna ku soo laaban doono dalka toddobaadka dambe.

Waan daryeelaynaa Mugabe, wuxuu ahaa aabihii aasaasay qaranka Zimbabwe, wuxuu ahaa aabihii aasaasay Zimbabwe oo xor ah” ayu yiri Mnangagwa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dowladda Zimbabwe ayaa bixineysaa kharashka ku baxaya daaweynta hoggaamiyihii hore ee dalkaasi.

Kaddib markii uu xilka la wareegay sannadkii lasoo dhaafay, Mnangagwa wuxuu ku guuleystay doorashadii lagu murmay oo dhacday bishii July.

Robert Mugabe ayaa xilka laga tuuray sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii militariga ay faragelin ku sameeyeen isaga.

Mugabe wuxuu dalkaasi ka talinayay muddo 37 sanno ah, wuxuu garwadeen ka ahaa dhaqdhaqaaqii looga soo horjeeday guumaystihii caddaanka.