Agaasimaha Guud ee wasaarada Horumarinta Degaanka  Ayaa maanta  Xili danbe  Xilkii Ukala Wareejiyay isduwihiii  wasaarada Degaanka Gobolka Saaxil  Kayse Maxamed Aw Ciise iyo Isuduwaha Cusub ee wasaarada Degaanka Gobolka saaxil  Anwar Xasan Ibraahim,

0

Agaasimaha Guud ee wasaarada Horumarinta Degaanka  Ayaa maanta  Xili danbe  Xilkii Ukala Wareejiyay isduwihiii  wasaarada Degaanka Gobolka Saaxil  Kayse Maxamed Aw Ciise iyo Isuduwaha Cusub ee wasaarada Degaanka Gobolka saaxil  Anwar Xasan Ibraahim,

Munaasibadan Xil Wareejinta Ahayd Ayaa waxaa Goob ka Ahaa Badhasaabka Gobolka Saaxil  iyo Mayorka Berbera , dabcan Sidoo kale waxa Iyaguna Goob ka Ahaa Shaqaalaha wasarada ee Degmada Berbera  iyo Maamulaha  Degmada Sheekh Mr Cabdoo,

Ugu Horayna Isuduwihii Hore  ee wasaarada Degaanka Gobolka Saaxil Kayse  Maxamed Aw Ciise  Ayaa  si Laab Furan Usoo dhaweeyay Isyduwaha Cusub  Waxaanu  Ku Wareejiyay Dhaman agabkii wasaaradu Ku Shaqaynaysay, Waxaanu balan qaaday In uu Si wanaagsan Ula shaqayn Doono,

Isuduwaha Cusub Mr Anwar xasan Ibraahim  Aya isna  Uamahdnaqay Isuduwuhii  Shaqada Baneeyay   iyo Masuuliyyiinta Gobolka iyo Degmada Berbera Sida wanaagsan ee aay u garab galaan wasaaarada Degaanka, Waxaaanu ka dalbaday Masuuliyiinta Gobolka Saaxil in aay gacan Dheeraaada kasiiyaan Shaqada wasaarada,

Duqa Magaalada berbera oo hadal Dheer ka Jeediyay Xilwareejintan  Ayaa  Si Odaytinimo ah Uga Hadlay xaalada Degaanka  oo wacyi Xun Maraysa sababtoo ah Ayuu Yidhi Dhuxulaysatadii Waxay Sitaan Liisan, ma garnayno Ayuu Yidhi Mid Sharci ah iyo Mid kale , Sidaa Laajigeed Wuxuu Ka Codsaday wasaarada Degaanka masuuliyeenteeda in aay gacan Bira ku Qabtaan Kuwa Degaanka xaalufinaya ee Jaraya Dhirta,

Badhasaabka saaxil Ayaa Dhinaciisa Sheegay In aay Siwayn Ula shaqayn Doonaan   Isuduwaha Cusub oo ah Nin Dhalinyaro ah Mudana ka Shaqaynayay wasaarada Degaanka  Xarunta hargaysa Waxaanu siwayn U Amaanay badhasaabka saaxil  Isuduwihii Hore oo ku Tilmaamay Mid hawlkar ah.

Ugu Danbayntii Agaasimaha Guud ee wasaarada Degaanka Somaliland Ayaa Ukala wareejiyay Xilkiii Labada isuduwe Isagoo  si Qoto Dheer Uga Haflay faa,iidada Degaanka oo la Ilaaliyaa Leedahay,

Hadhwanaag News Berbera

Yassin jama Ali