Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo Ayaa Si kadis ah usoo Kormeeray Baanka Dhexe ee Berbera Xili aay Socotay Shaqada maalin laha ah ee bangigu, Waxaanu Kulamo la qaatay masuuliyiinta bangiga Isagoo ka dhegeaystay warbixino Shaqada baanka ah iyo Ladagaalanka sixir bararka maadaama Berberi tahay Xarunta Gancsiga Somaliland oo aay ku taalo Dekadii Berbera,
Maamulaha bangiga Dhexe ee Berbera Axmed maxamed maxamed jaamac oo Aanu Khadka Telofanka Ku waydiinay Kormeerkan Agaasimaha Ayaa HWN u Sheegay in Agaasimaha Guud ee baanka dhexe Somaliland Axmed xasan Carwo Kormeerakan uu Ku Yimid Berbera aay qayb ka tahay hawlaha Ukuur galka shaqada bangiyada Somaliland ee Gobalada ku yaala, Waxaanu Agaasimuhu ku dar dargalinayaaayuu yidhi shaqada,
Maamulaha bangiga dawlada ee berbera Axmed jaamac Wuxuu Intaa ku daray In Agasimaha Guud ee baanka dhexe uu balan Qaaday dayac tir balaadhan oo lagu samayn Doono bangiga Berbera ,
Hadaba baanka Berbera oo Ahaa Baanka ugu shaqada badan Bangiyada gobalada ku yaala ayaa xiligan u Muuqda mid laangadhe ah waxanu tabayaa Shaqadii mashquulka ahayd ee uu u hayay Qaranka Somaliland iyo Ganacstada Dekada berbera wax ka dhoofiya waxna kala soo dega,Xiligii dawlada Somaliland aay mamulaysay dekada Berbera. Sida La Ogyahayna shaqdii bangigana Berberi qaban Jiray waxaa qabta bangiyada Private ka ah ee dahabshiil iyo salaama oo iyagu si Toosa ugu Xidhan Shirkada maamusha dekada Berbera Dp World,
Hadhwanaag News Berbera
Yassin jama Ali