Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka wadamada khaliijka uu halis ku yahay dawlada xamar iyo maamul gobaleedyada,

0

Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Somalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xiriir laleh labada dhinacba. Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faaidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.