Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Maamulka Soomaliya ee Puntland weerar lixdii subaxnimo ku soo qaadeen Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool.
โSaaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaaย ciidammada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidammada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan,โayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta.
Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wuxuu sheegay in Soomaaliya
ku jabtay weerarkii ay soo qaadeen, waxaanu yidhi;ย โHase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faaโiidaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawladda Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeenย oo ay Ciidammada Puntland saddex meelood weerar ka soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland.โ