Home Faallooyin Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay meel adag ka taagantahay islamarkaana ay wax...
Dawladda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay meel adag ka taagantahay islamarkaana ay wax walba ka xigto in hawada Somaliland ay mamausho dawladda Somaliya, ka dib markii ay hayโadda ICAO khamiistii maamulka hawada Soomaalida ku wareejisay dawladda Somaliya.
Heshiisyo ayaa jiray, ilaa lix jeer baynu galnay Shirar,marka laga soo bilaabo sannadkii 2011, 2013, 2014, 2015 iyo sannadkan sii dhammaanaya ee 2017,
markaas intaas wada hadalkeenu wuxuu ku saabsanaa sidii aynu si wada jir ah u maamuli lahayn Hawadeena, markaas waxaad mooda in arinkaas ay baalmareen,
inaguna arinkaas arin aynu aqbalayno maaha, hawadeena cid aan inaga hayni kama talin karto, cid kale oo sugi karta in diyaaraduhu si nabadgalyo ah ku maraan hawadeena ma jirto, waana wax xaqaaqiq ah, hab iyo qalab lagula xidhiidho
diyaaradahana weynu leenahay, markaas inaga oo doonaynin inaynu khal-khal galino socdaalka dadka iyo diyaaradaha hawadeena haddana xaq ayeynu u leenahay inaynu muujino inaynu inagu awood u leenahay, xaqna u leenahay inaynu maamulno hawadeena.
Wadamada Caalamka cabasho waanu gaadhsiinay, ICAO-na, waa loo qorayaa iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ICAO, ay Qaramada Midoobay ka tirsan tahay, in si badheedh ah oo kaliya ay Somaliya ula wareegto Maamulka Hawada, oo ay ku jirto Hawada Somaliland, in Hawadeenana lala wareego arin aanu sinaba u aqbalayno maaha,
waxaanu leenahay saddex xuduudood, oo ah xuduuda dhulka, xuduuda badda iyo xuduuda hawada, saddexda xuduudba inaga ayaa ka talina, markaas in cid kale ka taliso ma ogolin, Caalamkana sidaas ayaanu u sheegaynaa.Waa la og yahay Caalamkuna wuu ka war qabaa in Somaliland ahayd Wadan, isla markaana Somaliya ka hor qaadatay madax-banaanida, Somaliland iyo Somaliyana waxay ahayeen laba dal oo isku tagay, markii dambena dib ayey Somaliland xoriyadeedii ka luntay ula soo noqotay, maantana Somaliland wey isku tashatay, horumar balaadhan oo dhinac kasta ahna wey gaadhay, haddii ay tahay Dimuqaraadiyada iyo Siyaasadaba, waxaana xaqiiqo ah in boqolkiiba todaba iyo sagaashan (97%), Shacabka reer Somaliland ay u coddeeyeen Dastuurka iyo in aanay dib dambe ula midoobin Somaliya, markaas in aanu Somaliya ahaano laba dal oo jaar ah ayaa haboon, Somaliyana kama taliso Somaliland, inay Hawadayda ay maamushana wax aanu yeelayno maaha.