Gudoomiyaha hay’adda caymiska qaranka jamhuuriyad Somaliland mudane Axmed Xirsi Ducaale iyo wafti uu hogaaminayey oo safar shaqo ku jooga magaalada berbera ayaa maanta shirar mihiima layeeshay inta badan madaxda dawlada iyo kuwa shirkadaha ee gobolka saaxil iyagoo kala hadlay in caymiska qaranka loo bilaabi doono si dhaqso ah iyo doorka ay ku leeyihiin hirgelinta caymiska somaliland.

Ugu horayn wuxuu ka bilaabay gudoomiyuhu kulamadiisa badhasaabka gobolka saaxil mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ,
gudoomiyaha caymisku wuxuu kaloo kulamo saacado qaatey uu la yeeshay madaxda shirkada gaadiidka ee Towfiiq iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay,waxaanu kuwar galiyay in si dhkhso ah loo bilabi doono shaqada caymiska Gaadiidka kala duwan waawayn iyo yaryarba, Xata gadiidka dawlada ayaa ku khasban in la caymiyo
Fursadan aya ah mid qaali ku ah qaranka somaliland oo 34 jirsday
iyadoo il saxarba laga tirey su hufana loo nadaamiyay xeerka caymiska sidii lloogu dabaqi laha xaalada kala duwan ee gaadiidka somaliland ka hawlgala,


















