Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhiggiisa Liberia, Joseph Boakai ku ammaanay “sida fiican ee uu ugu hadlo af Ingiriiska”, islamarkaana wuxuu weydiiyey halka uu Ingiriiska ku bartay.
Laakiin malaha waxaa Trump ka hoos baxday xiriirka qotoda dheer ee Liberia kala dhexeeya Mareykanka.
Af Ingiriisku waa luuqadda rasmiga ah ee Liberia, in badan oo ka mid ah dadweynaha dalkaasna waxay leeyihiin lahjadda Mareykanka soo yaalka taariikheed ee kala dhexeeya Mareyka awgiis. Waana taas sababata malaha Trump ula dhacay lahjadda madaxweynaha Liberia.
Haddaba waxaan halkan idin kula wadaageynaa dhowr waxyaalood oo ku qotoma taariikhda dalkan ku yaal galbeedka Afrika.
Liberia waxaa aasaasay adoon la xoreeyey
Dalka Liberia waxaa aasaasay adoon asal ahaan ka soo jeeday Afrika oo la xoreeyey markii la tirtiray gumeysigii Mareykanka sannadkii 1822-kii.Kumannaan Mareykan madow ah oo la xoreeyey – iyo qaar kale oo laga bedbaadiyey ganacsigii dadka ee u kala gooshi jirey labada dhinac ee badda Atlantic-ga ayaa doortay in Afrika lagu soo celiyo, halkaas oo ay ka dhisteen dal u gaar ah 1847.
Abraham Lincoln oo ahaa Madaxweynahii Mareykanka xilligaas ka talinayey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay madaxbannaanida Liberia 1862-dii, laakiin wuxuu dalkaasi sii haystay qaybo badan oo ka mid ah dhaqanka Mareykanka, islamarkaana wuxuu ku daabnaa siyaasadda Mareykanka intii lagu gudo jirey dagaalkii qaboobaa.
Taariikhahan isku lifaaqan awgood, Liberia waxaa weli ku sii dambeeya raadadkii dhaqanka, cadaadooyinka iyo astaamaha kale ee dadka madow ee Mareykanka.
Boqolkii sano ee la soo dhaafay, waxaa siyaasadda Liberia si weyn uga dhex muuqday warasada addoontii la xoreeyey. Tusaale ahaan 10 ka mid ah 26 madaxweyne oo soo maray Liberia ayaa ku dhashay Mareykanka.
Arrintan ayaa ka careysiisey dadkii dhulka loogu yimid, taasina waxaa keentay in madaxweynihii ugu dambeeyey ee dalkaas yeesho oo ka soo jeeda Mareykanka noqdo William Tolbert, kaas oo lagu diley afgambigii dalkaas ka dhacay 1980.
Madaxweynaha iminka talada haya ee Boakai ayaa ka soo jeeda beesha Kissi oo asal u leh dalka, waxaana hubaal ah in uu af Ingiriiska ku bartay dugsiga.
Caasimadda Liberia waxaa loogu magac daray madaxweyne Mareykan ah
Caasimadda Liberia ee Monrovia, waxaa loogu magac daray James Monroe oo ahaa madaxweynihii 5-aad ee Mareykanka, islamarkaana aad u taageersanaa hawlihii dib-u-dejinta addoontii la xoreeyey. Waxaana naqshadda dhismeyaashii hore ee caasimadda Manrovia weli laga dheehan karaa saameyntii Mareykanka.
Sidoo kale isbitaalka ugu weyn dalkaas waxaa loogu magac daray madaxweyne kale oo Mareykanka soo maray, John F Kennedy.
Calamada labada dal oo is shabbaha
Ellen Johnson Sirleaf ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysey ee Afrika looga doortay madaxweyne 2005, xilli dalkaas ka soo baxay dagaal dhiig badani ku daatay. Waxayna xilka haysay illaa laga soo gaarey 2018.
Johnson Sirleaf oo wax ku soo baratay jaamacadda Havard ee dalka Mareykanka, waxay 2011 ku guuleysatay abaal marinta Nobel Prize ee xaquuqda haweenka.