Hay’adda Transparency International, oo sanad walba soo saarta warbixin ku saabsan heerka musuqmaasuqa dalalka ee dunida, ayaa shaacisay warbixinteeda sanadkii hore ee 2024.
Hay’adda ayaa 180 dal ku samaysay badhintaan loo raacayey heerer la isla yaqaan oo loogu talagalay in lagu cabbiro, heerka musuqmaasuq ee dalkaas ka jira. Taas oo ka dhigan in kuwooda liiska hoos kaga jira ay la micno tahay in dalalkaasi ay yihiin kuwo uu musuqu aad u sarreeyo.
Haddaba dalalkaas, waxaa kaalmaha ugu hooseeya ku jira kuwo ay ka mid tahay Soomaaliya, micnaheeduna waa inay yihiin kuwa ugu musuqa badan dalalkii hay’addaasi cabbirtay.
Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in heerka musuqmaasuqa ee dalalka Saxaraha Ka Hooseeya uu aad u dhaawacayo wax ka qabashada isbeddelka cimilada. Gobolka ayaa mar ahaa kuwa ugu musuqa badan caalamka, iyadoo 33 ka mid ah 100-ka dal, ay ka hooseeyeen celceliska adduunka ee 43.
Dalalka Afrika ayaa aad ugu baahan maalgelinta isbeddelka cimilada, sida ay sheegtay hay’adda. Hase yeeshee, waxay intaa ku dartay in musuqmaasuqu uu saameynayo wax ka qabashada cimilada gobolka maaddaama ay saameynayaan xatooyo iyo lacagaha oo meelo aan loogu talogalin mara.
Dalalka saameynta badan ay ku yeelatay isbeddelka cimilada adduunka ayay hay’addu sheegtay inay ka mid yihiin Soomaaliya oo liiska kaga jirta 9, Equatorial Guinea (13), Eritrea (13), iyo Suudaanta Koofureed (8).
Soomaaliya, isbeddelka cimilada ayaa wiiqay dhaqaalaha beeraha ee dalka kana sii daray dagaalka muddada 30-ka sano ka badan socda.
Dalalka kale ee gobolka waxaa ka mid ah Kenya oo iyadu liiska ka gashay 121 iyadoo heshay 32 dhibcood, Jabuuti ayaa noqotay dalka 127aad iyo 31 dhibcood, Suudaan oo dagaal sokeeye bartamaha kaga jirta ayaa noqotay dalka170aad iyo 15 dhibcood, Eritrea ayaa noqotay dalka 173aad oo 13 dhibcood leh.
Dalalka keenay dhibco ka badan 100 ayaa loo arkaa in xaalkoodu wanaagsan yahay.
Sidaa darteed, dalalka Afrika ee heerkooda musuqmaasuqa uusan darneyn waxaa ka mid ah Seychelles (18aad leh 72 dhibcood), Cape Verde (35aad leh 62 dhibcood), Botswana (43aad leh 57 dhibcood), iyo Mauritius (51aad leh 56 dhibcood).
Dalalka 180-ka ah ee warbixinta hay’adda lagu soo qaatay, tobanka uu sarreeya ee ee heerkooda musuqmaasuqu yar yahay waa dalalka Yurub iyo Scandinavian-ka.
Iyadoo dalka uusan boqolkiiba boqol ka marneyn musuqmaasuq sida cabbirka hay’adda ku xusan, dalka Denmark, oo kaalinta koowaad ku jiray sanado badan oo is xigay, ayaa weli hoggaanka u haya dalalka musuqoodu uusan darneyn wuxuuna heystaa 90 dhibcood, waxaa soo raaca Finland oo 88 dhibcood leh iyo Singapore oo 84 dhibcood leh.
Dalalkan ka midka noqday liiska kuwa ugu hooseeya waxaa ku nool bulsho gaareysa 6.8 bilyan, iyagoo boqolkiiba 85 ka ah bulshada siddeedda bilyan ee caalamka ku nool, sida warbixinta Transparency International lagu sheegay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka dhibcaha ugu hooseeya keenay ay yihiin kuwa ay ka jiraan colaadaha, iyadoo lix ka mid ahna ay ku yaallaan Afrika. Waxay kala yihiin Soomaaliya, Suudaanta Koofureed, Libya, Eritrea, Equatorial Guinea iyo Suudaan.
Soomaaliya waxaa ka hooseeya Suudaanta Koofureed, labadooduna waxaa ka jira colaado sokeeye.