Wax ka ogow hoggaamiyaha fallaagada Congo ee dagaal-yahannadiisu ay abuureen xasarad weyn

0

Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa ku jirta qas – dagaal-yahannada kooxda fallaagada ee M23 ayaa ku sii xoogeysanayay bariga dalkaas, iyagoo la dagaallamayay ciidamada qaranka isla markaana qabsanayay goobo muhiim ah.

Keliya labo toddobaad gudahood, kumannaan qof ayaa la sheegay in la dilay dagaalkuna uu sababay erayo adag oo ay is weydaarsadaan Congo iyo dersikeeda, Rwanda.

Marka sidee DR Congo – oo ah dalka ugu ballaaran ee ku yaalla Saxaraha Afrika – uu heerkan kusoo gaaray?

Halka uu kasoo billowday dagaalkan isku qasan ayaa laga fahmi karaa sheekada hal nin – hoggaamiyaha M23 Sultani Makenga, oo loo heysto eedeymo dhowr ah oo dembiyo dagaal

Haddii aan dib ugu laabanno nolosha Makenga ilaa iyo haatan waxay daaran tahay dagaal tobnaan sano ah, farogelin goos goos ah oo dibadda ah iyo damac joogto ah oo kheyraadka macdanta ee Congo ah.

Noloshiisa ayaa bilaabatay maalin Ciidda Kirismaska ah sanadkii 1973, markaas oo uu ku dhashay magaalada dhirta badan ee Masisi ee dalka Congo.

Makenga oo ay soo barbaariyeen waaliddiin kasoo jeeda kooxda qowmiyadda Tutsi, ayaa iskuulka uga haray isagoo 17 jir ah si uu ugu biiro koox fallaago Tutsi ah oo ku sugneyd xadka Rwanda.

Kooxdan, oo lagu magacaabo Rwandan Patriotic Front (RPF), ayaa dalbanayay in Tuutsigu ay matalaad ballaaran ku yeeshaan dowladda Rwanda, oo xilligaas ay hareeyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Huutuuga aqlabiyadda leh.

Waxay sidoo kale doonayeen in boqollaalka iyo kumannaanka qaxootiga Tuutsiga ee rabshadaha qabaa’il ay dalkooda xoog uga saareen dalkooda ay dib ugu laabtaan.

Muddo afar sano ah, Makenga iyo RPF ayaa la dagaallamayay ciidamada ay Huutuuga ku badan yihiin ee gudaha Rwanda. Dagaalkooda ayaa waxaa soo afjaray xasuuqii 1994, markaas oo xagjiriinta Huutuuga ay dileen 800,000 oo Tutsi ah iyo Huutuuga dhexdhexaadka ah.

Marka dib loo milicsado xilligan wareysi dhif ah oo lala yeeshay sanadkii 2013, Makenga ayaa sheegay: “Nolosheyda waa dagaal, waxbarashadeyda waa dagaal, luqaddeyduna waa dagaal… balse waan xushmeynayaa nabadda.”

RPF ayaa si tartiib tartiib ah ula wareegayay dhul badan kahor inta aysan isugu tagin caasimadda Rwanda ee Kigali, oo aysan xukunka ka tuurin dowladdii Huutuuga ee xagjirka ahayd- iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay u carareen meesha haatan loo yaqaanno DR Congo.

Iyadoo RPF ay xukunka qabsatay, Makenga ayaa lagu daray ciidanka rasmiga ah ee Rwanda wuxuuna u dallacay darajada saddex alifle iyo ku xigeenka taliyaha qeyb militariga ka tirsan.

“Aad ayuu ugu fiicnaa qorsheynta iska caabbinta,” sida mid ka mid ah asxaabta Makenga ee dagaal-yahannada RPF ka tirsan uu u sheegay Machadka Rift Valley oo ah urur baaritaan oo aan faa’iido-doon ahayn.

Guushiisa ciidanka Rwanda ayaa si kastaba caqabad ay lasoo gudboonaatay. Xaqiiqda ah inuu keliya aqoon aasaasi ah lahaa uuna ku hadlayay Faransiis iyo Ingiriis jajaban ayaa “caqabad ku ahayd xirfaddiisa militariga”, sida uu sheegay Machadka Rift Valley.

Makenga ayaa sidoo kale la sheegay – in ilaa iyo maalintan – uu yahay qof aad isu ilaaliya oo dhib ku qaba inuu fagaare ka hadlo.

Sanadkii 1997, wuxuu qeyb ka ahaa ciidamada ay Rwanda taageerto ee ku guuleystay inay la wareegaan awoodda DR Congo, meeshana ka saaraan hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay ee Mobutu Sese Seko. Booskiisa waxay ku beddeleen hoggaamiyaha rug-caddaaga ah ee Congo u dhashay Laurent Kabila.

Si kastaba, Makenga ayaa bilaabay inuu la dagaalo kuwa ka sarreeya – waxaa xiray maamulka Rwanda kadib markii uu diiday amarrada ah inuu ku laabto Rwanda, sida lagu sheegay war uu soo saaray Golaha Ammaanka ee QM.

Waxaa sidaas darteed lagu xukumay dhowr sano isagoo lagu xiray Jasiiradda Iwawa.

Dhanka kale, xiriirka u dhaxeeyay Kabila iyo hoggaamiyeyaasha cusub ee Rwanda ayaa kasii daray.

Rwanda ayaa dooneysay inay burburiso ragga maleeshiyaadka Huutuuga ee mas’uulka ka ahaa xasuuqa balse waxay ka gudbeen xadka sanadkii 1994. Cabsida Rwanda ayaa ahayd inay soo laaban karaan ayna carqaladeyn karaan xasiloonida dalka ee sida adag lagu keenay.

Balse Kabila ayaa ku guul-darreystay inuu maleeshiyaadka ka hor istaago inay isa soo abaabulaan wuxuuna sidoo kale bilaabay inuu meesha ka saaro ciidamada Rwanda.

Natiijada ka dhalatay, ayaa keentay in Rwanda ay qabsato DR Congo sanadkii 1998. Markii Makenga laga sii daayay xabsiga, waxaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha furinta hore ee koox fallaago ah oo ay Rwanda taageerto.

Sanadihii xigay, wuxuu sumcad ku helay inuu ahaa nin xirfad sare u leh u talinta kooxo badan oo ciidan ah kuna hoggaamiyo dagaalka.

kadib markii ciidamada Rwanda ay u gudbeen xadka DR Congo, waxaa jiray sare u kac ku aaddan takoorka ka dhanka ah qowmiyadda Tutsi. Kabila ayaa sheegay in Tutsiyiinta ay taageereen qabsashada dalkaas, halka saraakiil kale ay bulshada ku boorriyeen inay weeraraan xubnaha kooxdan qabaa’il.

Makenga – oo weli ku sugnaa DR Congo – ayaa hoggaamiyaha Congo ku eedeeyay inay hagar-daaciyeen dagaal-yahannada Tutsiyiinta, isagoo yiri: “Kabila wuxuu ahaa siyaasi, halka anigu aanan ahayn. Waxaan ahay askari, luqadda aan aqaannana waa tan qoriga.”

Dhowr dal oo deriska ah ayaa kusoo biirayay dagaalka iyadoo ciidamo badan oo milatariga QM ah loo daad-gureeyay si ay isugu dayaan soo celinta kala dambeynta.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay dagaalka ku dhinteen iyadoo cawaaq-xumada ka dhalatayna ay sababtay macluul iyo cudurro.

Caddeymaha ayaa muujinaya in Rwanda ay taageereysay fallaagada ku sugan DR Congo

Dagaalka ayaa si rasmi ah u billowday 2003 balse Makenga ayaa kasii tirsanaa kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeday dowladda Congo.

Iyadoo la doonayay dib u heshiisiin, fallaagada Tutsiga sida Makenga ayaa markii dambe lagu daray ciidamada hubeysan ee dowladda Congo, hannaankan oo loogu magac-daray “mixage”.

Balse ciidda siyaasadeed ee Congo ayaa is beddeleysay weligeed – Makenga ayaa kadib ka goostay ciidamada si uu ugu biiro kacdoonka xoogeysanayay ee M23.

Kooxda M23 ayaa aad ugu xoogeysatay bariga Congo, iyagoo sheegay inay u dagaallamayeen difaaca xuquuqda Tutsiyiinta, iyo in dowladda ay ku guul-darreysatay dhowridda heshiis nabadeed la gaaray sanadkii 2009.

Makenga ayaa loo dallacsiiyay janaraal M23 ka tirsan, kadib wax yar, wuxuu gaaray heerka ugu sarreeya.

Bishii November 2012 wuxuu horkacayyay kacdoon xooggan oo fallaagada ay sameeyeen, kaasoo ay ku qabsadeen magaalada Goma, oo ah magaalo weyn oo bariga ku taalla ayna ku nool yihiin bulsho ka badan hal milyan.

DR Congo iyo QM ayaa ayaa dowladda ay Tutsiga ku badan yihiin ee Rwanda ku eedeeyay inay taageerto M23 – eeddaas oo Kigali ay si joogto ah u diideysay. Balse dhowaan, jawaabta rasmiga ah ayaa is beddeshay, iyadoo afhayeenka dowladda uu sheegayay in dagaalka meel u dhow xadkeeda uu yahay khatar amni.

Sanadkii 2012, Makenga iyo qaar kale oo M23 ka tirsan ayaa wajahayay eedeymo dagaal oo ba’an. Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay isaga, wuxuuna sheegay inuu mas’uul ka ahaa “shaqaaleysiinta carruur askar ah, iyo ololaha rabshadaha ak dhanka ah rayidka”. Makenga ayaa sheegay in eedeymaha ah in M23 ay adeegsatay carruur askar ah ay ahaayeen “kuwo aan sal lahayn”.

Dhanka kale, QM ayaa sheegtay inuu galay, uuna mas’uul ka ahaa, falal sida dil, jirdil iyo tacaddi galmo iyo afduub.