Kenya waxay u oggolaan doontaa muwaadiniinta ku dhawaad โโdhammaan dalalka Afrika inay booqdaan iyaga oo aan u baahnayn oggolaansho hordhac ah, sida ku cad awaamiir cusub oo ay soo saareen golaha wasiirrada.
Sanadkii hore, Kenya waxay soo saartay siyaasad “Dal-kugal la’aan” ah oo u baahan inta badan dadka soo booqda inay internet-ka ka dalbadaan oggolaansho ka hor inta aanay dalkooda ka soo tagin.
Laakiin soo saaridda Oggolaanshaha Safarka Hannaanka Elektaroonigga ah (ETA), oo beddelay shuruudihii fiisaha ee dhammaan dadka dalka soo booqanaya, ayaa lagu dhaleeceeyay ama lagu tilmaamay inay tahay “fiise magac kale wadata”
Talaadadii, bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in ETA la joojin doono “dhammaan dalalka Afrika marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya – sababo amni awgeed”.
Waxay dowladda Kenya sheegtay in tani ay qayb ka tahay “dadaallada lagu taageerayo siyaasadaha xudduudaha furan isla markaana lagu kobacinayo dalxiiska” iyo “kor u qaadidda isdhexgalka gobolka iyo fududaynta isu socodka qaaradda”.
Inkasta oo ay soo bandhigtay nidaamkan casriga ah ee ETA, Kenya aad ayay uga sii xumaatay qiimeyntii ugu dambeysay ee sida ay ugu furan tahay dadka soo booqda, iyadoo hoos ugu dhacday kaalintii hore ee 17 oo timid 46 marka la eego 54 waddan dhanka furfurnaashiyaha dal-kugalka Afrika.
Sida nidaamka la cusboonaysiiyay ku cad, muwaadiniinta inta badan wadamada Afrika waxaa loo oggolaan doonaa inay galaan Kenya oo ay ku joogaan lacag la’aan ilaa laba bilood.
Hasa yeeshee xubnaha Bulshada Bariga Afrika, oo ay ku jiraan Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi, waxay muwaadiniintooda joogi karaan ilaa lix bilood si waafaqsan siyaasadda ururka.
Kenya eTA waa nidaam xaqiijin oo otomaatig ah kaas oo go’aaminaya in qofku mudan yahay inuu soo booqdo Kenya. eTA waxaa lagu bixiyaa oggolaansho lagu safro waxaana oggolaanshiyaha bxixsa dawlada Jamhuuriyadda Kenya.
Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in ay soo saari doonto hannaan la xoojiyey “oo u oggolaanaya dadka soo booqanaya in ay si degdeg ah u helaan oggolaansho” ay ku heli doonaan ugu badnaan 72 saacadood gudahood.
Ma cadda goorta ay tani dhaqan geli doonto. Dhowr wasaaradood ayaa loo xilsaaray inay soo jeediyaan hab-raacyo toddobaad gudihiis si loo horumariyo “khibradaha socdaalka ee dhammaan garoomada diyaaradaha Kenya”, sida lagu sheegay qoraalka golaha wasiirrada.
Kahor inta aan la hirgelin nidaamka elektaroonikada casriga ah ee ETA, dadka soo booqanaya Kenya oo ka yimaada in ka badan 40 waddan oo ay ku jiraan dhowr Afrikaan ah, waxay u suurtagashay inay yimaadaan Kenya, oo dal-kugalka loogu dhufto marka ay garoonka yimaadaan iyaga oo ana wax lacag ah bixin.
Dhammaan dadka socotada ah waa inay hadda codsadaan oo ay ku bixiyaan lacag qaabka nidaamka ETA ugu yaraan saddex maalmood ka hor safarkooda Kenya, marka laga soo tago muwaadiniin waddan laga reebay.
Khidmada ETA waa $30 (ยฃ24 doolar) waxaana laguugu dhufanayaa 90 maalmood.
Nidaamkan ayaa la kulmay dhaleecayn iyadoo dadka qaar ay xuseen in ay adkeyn karto dadka doonaya inay Kenya soo booqdaan.
Kenya ayaa tilmaamtay inay jirto qeyb amni oo ku aadan hirgelinta nidaamkan cusub, iyadoo afhayeenka dowladda uu BBC u sheegay sannadkii hore inay lagama maarmaan tahay in la kala saaro dadka safarka ah.
Dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ay al-Shabaab ka fuliyeen weerarro dhamasho sababay.
Al-shabaab waxay ka howlgalaan islamarkaana ku xooggan yihiin Soomaaliya oo Kenya daris la ah.