Intii lagu jiray ololaha doorashada Mareykanka, codbixiyayaasha waxaa ka batay sawirada labada musharax iyagoo hadlaya, iyagoo dadweynaha soo baxay salaamaya iyo iyagoo diyaarado raacaya.
Halkan waxaan idinkugu soo bandhigeynaa muuqaallada cidda ay yihiin iyo halka ay ka soo jeedaan.
Ka hor inta aysan labadooda imaan Aqalka Cad, waxaa laga qaaday sawiro iyagoo saddax jiro ah.
Kamala Haris waxay nolosheeda hore ku soo qaadatay Oakland, California halka Donald Trump uu ku qaatay New York.
Harris iyo walaasheed Maya oo dhexda ku jirta sawirka, waxaa markii hore soo koriyay hooyadood oo Hindi ah, Shyamala Gopalan Harris. Waxay aheyd hooyadood cilmibaare kansarka iyo dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada.
Trump aabihii Fred Trump waxaa dhalay muhajir Jarmalka ka soo jeeda. Hooyadii Mary Anne MacLeod Trump, waxay ka soo jeedaa Scotland. Markii uu 13 jir ahaa, waxay ka qoreen kulliyadda militeriga New York.
Harris shan sano ayey iskuul ka dhiganeysay magaalada Montreal ee dalka Canada halkaas oo hooyadeed ay wax ka dhigeysay jaamacadda McGill. Kaddib waxay iska diwaangelisay jaamacadda Howard ee Washington DC.
Turmp waxa uu sheegay in shanti sano ee uu ku jiray shaqada militeriga iyo tababarka ee soo bilaabmay 1959-kii ay qaabeysay xirfadiisa hoggaamineed.
Dagaalkii Vietnam kama qeybgalin shan arrimood dartood. Mid waxay aheyd arday ayuu ahaa, midna xaaladiisa caafimaad ee lafaha.
Harris markii ay yared hooyadeed waxay bartay muhiimadda ay leeyihiin dhaqdhaaqyada xuquuqda rayidka. Waxay ka qeybgashay socodka sanadlaha ee Martin Luther King Jr ee ka dhacay Washington 2004-tii.
Kaddib markii uu ka qalinjabiyay Warton School ee jaamacadda Pennsylvania, Trump wuxuu la wareegay ganacsigii aabihiis.
Harris waxay ku soo laabatay California. Si degdeg ah ayey ku gaartay halka ugu sareeya nidaamka cadaaladda dambiyada gobolka.
Waxay noqotay qareenka guud. Fursadaas ayey uga faa’ideysatay si ay ugu tartanto sanatka 2016-kii.
Kongareska waxay gashay markii uu madaxweyne Trump xukunka yimid muddo xileedkiisa koowaad.
Saddex sano kaddib Harris waxay bilowday ololaha doorashada madaxweynaha, waxaa madaxweyne ku xigeen u qaatay Joe Biden. Way guuleysteen iyagoo ka adkaaday Donald Trump iyo Mike Pence.Markii uu xilka ka dagay madaxweyne Trump uuna bilowday muddo xileedkii Biden iyo Harris, waxaa bilowday xayiraadii aafada Corona. Dadka afka ayey daboosheen, waxaa ku xigay rabshadihii ka dhashay dilkii George Floyd ee Minneapolis.
Harris culeys ayey kala kulantay si codkeeda loo maqlo. Ugu dambeyn 2022-kii ayey guuleystay markii maxkamadda sare soo afjartay xaqa dastuuriga ee ilmo iska soo ridida.
Madaxweyne Biden aad ayuu ugu faraxsanaa in ay Aqalka Cad la soo gasho.
Intii madaxweyne Trump uu joogay Aqalka Cad, waxa uu Mareykanka ka saaray heshiiskii cimilada ee lagu gaaray Paris ee lagu yareynayay wasaqowga hawada.
Harris iyadoo madaxweyne ku xigeen ah ayey booqtay Guatemala sanadkii 2021-ka taas oo qeyb ka aheyd mas’uuliyadii la siiyay ee aheyd in ay dhinto tirada muhaajiriinta ee Latin Amerika ee soo gaaraya xadka Mareykanka la leeyahay Mexico.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee xafiiskeeda waxaa saameyn ku yeeshay intii ay xilka haysay arrimo ay ka mid yihiin dagaalada Ukraine iyo Gaza iyo sidoo kale sidii ciidamada Mareykanka looga soo saaray Afghanistan.
Booqashadii ugu horeysay Trump markii uu madaxweynaha noqday waxa uu ku tagay Sacuudiga sanadkii 2017-kii.
Trump waxa uu u ololeeyaa siyaasad xirxiran taas oo bannaanka uu kaga istaagayo dagaallada, wuxuuna u ololeeyaa danaha Mareykanka.
Harris waxay guursatay Doug Emhoff oo sawirkiisa hoos ka muuqdo. Si joogto ah ayuu ugu ololeeyaa.
Dhowr xubnood oo ka tirsan qoyska Trump ayaa door ka ciyaaray horumarka siyaasadiisa. Ololaha doorashada 2024-ka Melania Trump waxaa la xadeeyay sida ay uga soo muuqaneyso.
Xaaskiisa koowaad, Ivanka, Trump waay isu dhaleen saddex cunug oo kala ah Donald Jr Ivanka iyo Eric.
Xaaskiisa labaad, Tiffany, waxay u dhashay Marla Maples. Xaaskiisa saddexaad ee Melania oo uu guursaday 2005-tii waxay u dhashay hal wiil, Barron.
Harris waxay bilowday ololaha doorashada 2024, mardambe. Waxay badashay Joe Biden oo tartanka ka baxay.
Taariikh ayey dhigtay. Waxay noqotay gabadhii ugu horeysay oo madow oo horkacda xisbi weyn iyadoo u tartameysa jagada madaxweynaha Mareykanka.