Goobaha ay suurtagalka tahay in Israa’iil ay u bartilmaameedsato weerarka jawaab celinta ee Iran

0

Ka dib weerarkii gantaalaha ballistic-ga ee Iran ay ku qaadday Israa’iil usbuucii hore, su’aasha ma ah in ay israa’iil jawaabi doonto iyo in kale , balse waa goorta iyo sida ay u ekaanayso.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa Arbacadii wacad ku maray in jawaabtooda ay tahay mid lama filaan ah ku noqon doonto Tehran.

Iran ayaa sheegtay in gantaaladeeda ballistic-ga ah ay jawaab u ahaayeen dilkii ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii Xisbullah ee Xasan Nasrallah iyo hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya.

Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka Carabta oo qaarkood xiriir diblomaasiyadeed la leh Israa’iil in aanay hawadooda u isticmaalin weerar rogaal celis ah oo ay suurtagal tahay in Israa’iil ay fuliso. Waxa uu sidoo kale sheegay in waddan kasta oo ka caawiya Israa’iil inay weerarto Iran loo aqoonsan doono bartilmaameed kasta oo ay Iiraan ka jawaabi doonto.

Kuwani waa qaar ka mid ah qodobbada ay ka fiirsanayaan ee Maraykanka iyo Israa’iil ee ku saabsan jawaabta Israa’iil. Xukuumadda Washington ayaa horay u shaacisay inay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo Israa’iil ay ka qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

Doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa waxaa ka harsan wax ka yar afar toddobaad, xaaladdan oo kale, Aqalka Cad ma soo dhaweyn doono weerar kasta oo lagu qaado xarumaha shidaalka Iran oo saameyn ku yeelan kara qiimaha Shidaalka, sidoo kale ma ahan khatar Bariga Dhexe.

Maxay sameyn kartaa Israa’iil?

Xulafada Israa’iil waxay ku baaqeen is-xakamayn kadib weerarkii Iiraan ku qaaday Israa’iil bishii April ee sannadkan. Marka loo eego ballanqaadka, waxay u muuqataa in xukuumadda Netanyahu aysan wax niyad ah u haynin inay ka laabato go’aankeeda.

Iyaga oo gacan ka helaya sirdoonka dayax-gacmeedka Maraykanka iyo basaasiinta Mossad ee Iran, milatariga Israel ayaa isha ku haya bartilmaameedyo badan oo gudaha Iran ah oo kala duwan oo ay kala dooran karaan kuwaas oo loo qaybin karo saddex heer.

 

Bartilmaameedyada caadiga ah ee militariga: Bartilmaameedka hore ee muuqda ayaa noqon doona saldhigyadii ay Iran ka soo tuurtay gantaalada balaastikada ah ee gaaray Israel. Markaa taasi waxay ka dhigan tahay in la bartilmaameedsado, xarumaha taliska iyo kantaroolka, haamaha shidaalka lagu shubo iyo bakhaarro loo dhisay kaydinta hubka.

Israa’iil waxay sidoo kale bartilmaameedsan kartaa saldhigyada ciidamada ilaalada kacaanka Iran iyo sidoo kale nidaamyada difaaca hawada iyo baytariyada kale ee gantaalaha. Waxa kale oo laga yaabaa inay Israa’iil isku dayo inay dilaan dadka muhiimka ah ee ku lugta leh barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Iran.

Bartilmaameedyada dhaqaalaha: Tan waxaa ka mid noqon kara bartilmaameedyada kiimikaad ee Iran, warshadaheeda korontada iyo suurtogalnimada waaxdeeda maraakiibta. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay noqon doontaa tallaabo aan la jeclaysan marka lagu eego indhaha dadka Iran, maadaama ay ku kacayso khasaare aad uga bada

Bartilmaameedyada Nukliyeerka: Tani waxay u noqon doontaa tallaabo weyn oo ay Israa’iil qaado. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa xaqiijisay xaqiiqada ah in Iran ay kobcinayso Uranium-ka oo aad uga fog 20 boqolkiiba looga baahan yahay awoodda nukliyeerka rayidka ah.

Israa’iil iyo kuwa kale ayaa ka shakisan in Iran ay isku dayeyso inay gaarto ‘goobta guusha’ halkaasoo ay awood u leedahay inay ku dhisto bam nukliyeer ah muddo aad u yar.

Liiska Israa’iil ee bartilmaameedyada nukliyeerka Iran waxaa ka mid ah Parchin, oo ah xarunta barnaamijka nukliyeerka militariga Iran, warshadaha Bonab ee Tehran iyo Ramsar, iyo sidoo kale xarumaha waaweyn ee Nukliyeerka ee Bushehr, Natanz, Isfahan iyo Fardo.

Qayb ugu weyn ee ay Israa’iil xisaabta ku darsaneyso waxay ka koobnaan doontaa isku dayga in la saadaaliyo jawaabta Iran ee aargoosigeeda iyo sidii loo fashilin lahaa.

Iran ayaa ku adkeysaneysa in weerarkii talaadadii hore uu ahaa dhibco yar , laakiin waxay ka digtay inay ka aargoosan doonto haddii Israa’iil ay qaaddo tallaabo dheeri ah.

Madaxweynaha Iran Masoud Pizshakyan ayaa sheegay in weerarkii ay qaadeen uu ahaa in yar oo ka mid ah awoodooda.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay carabka ku adkeeyeen oo ay sheegeen in ‘haddii Israa’iil ay ka jawaabto ficillada Iran, ay la kulmi doonto weeraro burburin ah’.

Iran ma ka adkaan karto Israa’iil militari ahaan. Ciidankeeda cirku iyo hubka ay haystaan kuwo gaboobay oo burburay, difaaceeda hawaduna waa mid aan la isku haleyn karin, waxaanay ku qasbanaatay inay la dagaallanto cunaqabatayn adag oo reer galbeedku ku soo rogeen sannadihii la soo dhaafay.

Laakin wali waxa ay haysataa gantaalada ballistic-ga iyo kuwa kale, iyo sidoo kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ee aan duuliyaha lahayn, iyo tiro ka mid ah maleeshiyaadka isbahaysiga la ah (kooxaha mintidka ah) ee Bariga Dhexe.

Gantaaladeeda ayaa si fudud u bartilmaameedsan kara goobaha ay degan yihiin Israa’iiliyiinta halkii ay marka xigta la beegsan lahaayeen saldhigyo ciidan. Weerarkii 2019-kii lagu qaaday xarumaha Shidaalka ee Sacuudiga oo ay geysteen maleeshiyaad ay Iran taageerto ayaa muujiyay sida ay ugu fududahay Iran inay weerarto dalalka deriska la ah.

Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka, ee ka hawlgala Gacanka Faaris, waxa ay wataan raxan aad u badan oo ah doomo yaryar oo gantaallo ay ku rakiban yihiin.

Haddii lagu amro sidaas, waxay sidoo kale isku dayi kartaa inay miinada dhigto marin biyoodka Hormuz, taas oo carqaladayn karta boqolkiiba 20 dhoofinta shidaalka adduunka maalin kasta, taasoo burbur ku ah dhaqaalaha adduunka.

Dhanka kale waxaa jira saldhigyo ciidan oo Maraykan ah oo kor iyo hoosba xeebta Carabta ee Gacanka Faaris laga bilaabo Kuwait ilaa Cumaan. Iran ayaa ka digtay in haddii la soo weeraro aysan kaliya ka aargoosan doonin Israa’iil, balse ay beegsan doonto waddan kasta oo taageera weerarka.