Ma ‘khalad istaraatiiji ah’ ayuu Maraykanku dhexda ka galay markii uu bilaabay dagaalka kooxaha Bariga-dhexe?

0

Madaxweyne Biden, Xoghayaha difaaca oo u taagan soo dhaweynta Maydka saddex askari oo Maraykanka ugu dhintay weerarkii lagu qaaday saldhigiisa Urdun

Iran ayaa ku tilmaantay duqaymaha cirka ee Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya “khalad istiraatiiji ah” kadib markii siddeetan iyo shan bartilmaameed uu Maraykanku duqeeyey guud ahaan gobolka Jimcihii.

Mareykanka ayaa qaaday weeraro aargoosi ah oo uu kaga jawaabayo weerarkii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka todobaadkii hore ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Urdun, halkaas oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Aqalka Cad ayaa ku eedeeyay weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iran.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay ”in duqaymaha Ciraaq iyo Suuriya aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin marka laga reebo sii xoojinta xiisadaha iyo xasilooni darrada gobolka”.

Mar sii horreysay, Ciraaq waxay sheegtay in weerarrada aargoosiga ah ee Maraykanku ay “cawaaqib xun” u keeni doonaan gobolka.

Ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa ku dhintay duqeymahaasi, sida ay sheegeen saraakiisha Ciraaq.

Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in duqeymahan ay yihiin kuwo xadgudub ku ah madax-bannaanida dalkiisa, wuxuuna xusay inay saameyn ku yeelan doonaan ammaanka iyo xasilloonida dalkiisa iyo gobolka intaba.

Dowladda Siiriya ayaa dhankeeda sheegtay in duqaymaha Maraykanku ay ugu sii darayaan xaalada gobolka.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga Mareykanka, duqaymaha ayaa lagu weeraray ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee Quds Force iyo maleeshiyaad gacan saar la leh Ciraaq iyo Suuriya.

Dhowr diyaaradood oo Mareykan ah ayaa ku lug lahaa, oo ay ku jiraan kuwa duqeymaha riddada dheer fuliya oo ka soo duulay Maraykanka.

Su,aal ka taagan dibu dhaca weerarada Maraykanka ka dib weerarkii Saldhigiisa Urdun

Maraykanka ayaa la kulmay mid ka mida mowjado weeraro ah oo kaga imaanayey bartilmaameedyo ku yaalla bariga dhexe, kuwaas oo lala eegtay saldhigyadiisa Ciraaq, Siiriya iyo Urdun.

Weerarkii ugu khasaaraha weynaa ee ka dhana Maraykanka ayaa ka dhacay saldhiga uu ku leeyahay dalka Urdun meel kulmisa soohdimaha Ciraaq iyo Siiriya, halkaas oo ay diyaarad an duuliye lahayn ka fulisay weerar qorshaysan

Saddex askari oo lagu kala magacaaabo William Rivers, 46, Kennedy Sanders, 24, iyo Breonna Moffett, 23, oo ku dhintay weerarka todobaadkii hore.

In ka badan 40 qof oo kale oo ka tirsan ciidamada ayaa ku dhaawacmay isla weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone-ka, taasoo lagu weeraray saldhigga US Tower 22.

Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa dhaleeceeyay waqtiga ku qadatay Maraykanka in ay weerar celin aargoosi ah fuliyaan. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hakad kasta oo dhacay ay sabab u ahayd cimilada oo ahayd mid daruuro badan oo xannibay bartilmaameedyada.

Khubarada siyaasadda arrimaha dibadda ayaa rumaysan in dib u dhacaas u ogolaaday Iran in ay meesha kala baxdo saraakiisheedii muhiimka u ahaa.

Dhanka kale waxaa weerar lala beegsaday xarumaha biyaha Maraykanka, kuwaas oo loo aaneyno dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Maraykanka ayaa sheegay inay ay cunaqabateyn ku soo rogay lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga leh ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) kuwaasoo ay ku sheegeen inay mas’uul ka yihiin weerarrada dhanka Internetka ah ee lagu qaaday xarunta biyaha Mareykanka dabayaaqadii sannadkii hore.

“Bartilmaameedka ula kac ah ee kaabayaasha muhiimka ah ee jilayaasha internetka ee Iran waa fal aan laga fiirsan oo khatar ah,” ayuu Brian Nelson, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadeed, ku yiri ku dhawaaqista.

Shakhsiyaadka la cunaqabateeyey ayaa qayb ka ah taliska IRGC ee Internetka- (IRGC-CEC), waxaana ka mid ah Hamid Reza Lashgarian, madaxa ururka internetka, iyo sidoo kale taliye ka tirsan ciidamada Ilaallada kacaanka qaybta gaark ah ee Quds.

Ciidanka Quds waa cududa gashaman oo Iran u qaabilsan hawlgalada dibadda, kuwaas oo Maraykanku ku eedeeyo inay masuul ka yihiin weerarrada Bariga Dhexe.

Waxay u muuqataa in wax guulo ah aan laga gaarn dadaalada ay Maraykanka iyo xulafadiisu isugu dayayaan in ay ku hakiyaan kooxaha taageersan Iran ee sheegay in ay u hiilinayaan Falastiin.

Xiisadda kale ee Iran iyo Maraykanka ee Yemen

Diyaaradaha dagaalka Maraynka iyo UK oo bilaabay duqaynta Xuutiyiinta Yemen

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale bilaabay wareeg cusub oo weerar ah oo wadajir ah oo lagu bartilmaameedsanayo Xuutiyiinta Yemen iyagoo garaacay soddon iyo lix bartilmaameed oo Xuutiyiintu ku leeyihiin gudaha Yemen.

Diyaaradaha dagaalka ee labadan dal ayaa ka fuliyey duqaymo meelo kala duwan oo ku yaal dalka Yemen, kuwaas oo ay doonayeen inay kaga jawaaban weerarada Xuutiyiinta ee Badda Cas.

Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu weeraro kale ku qaado kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay Axaddii, ka dib markii ay duqeeyeen kooxaha taabacsan Tehran ee Ciraaq, Suuriya iyo Yemen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

“Waxaan dooneynaa inaan qaadno weerarro dheeraad ah, iyo tallaabooyin dheeri ah, si aan u sii wadno diritaanka farriin cad oo ah in Mareykanku uu ka jawaabi doono marka ciidamadeena la soo weeraro, marka dadkeena la laayo,” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan.

Xiisada bariga dhexe ayaa cirka isku shareereysa waqtiyadii ugu danbeyey ee todobaadkan iyadoo ay dhamaan mukhkiladahaan sal u yihiin dagaalka ka socda Qasa ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas kaas oo bilowday 7-dii October ee sanadkii tagay.