Sheekada aan la ogayn ee ku saabsan sidii uu xildhibaan Yuusuf Xasan shaqada uga helay BBC-da

0

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka sheekeeyay xasuusta qaabkii uu shaqada uga helay BBC-da in ka badan 40 sano ka hor.

Xilli ay BBC-da isbuucan xusayso 65 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii laanta Afsoomaaliga ayuu xildhibaanka soo booqday xafiiska Nairobi, waxaana uu waraysi lala yeeshay ku soo bandhigay qiso aysan dad badan ka warqabin oo ku saabsan qaabkii shaqada looga qoray.

“Waxaan kusoo biiray 1979-kii. Anigoo wariye ka ah magaalada Nairobi ayaan ka tagay oo aan u baxay dalka Ingiriiska, sidaas ayaana daarta Bush House uga billaabay shaqadaydii ugu horraysay ee wariyenimada BBC-da,” ayuu yiri Yuusuf Xasan, oo hadda baarlamaanka Kenya ku mataya degmada ay ka tirsan tahay xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Xilligaas oo ahayd 43 sano ka hor waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biira laanta Af Sawaaxiliga ee BBC-da, laakiin qaabkii uu shaqada ku helay ayaa ahaa mid cajiib ah.

Dhowr bilood ayay BBC-da i raadinaysay’

Xafiiska BBC-da ee London ayaa kasoo jawaabay codsi dalab shaqo ah oo uu Yuusuf Xasan u dirsaday, balse dhowr bilood ayay qaadatay in uu shakhsi ahaan u helo jawaabtaas.

Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Murashaxa xilka madaxweynaha Kenya, Raila Odinga.

Maadaama waqtigaas uusan jirin xiriirka telefoonka ee sida sahlan la isugu helo, BBC-du waxay farriin ugu soo dirtay aaladda “Telex” oo laga heli karay xafiiska Idaacaddii dowladda Kenya ee uu ka howl geli jiray markaas.

“Runtii maba ogayn in shaqada la i siiyay. Barigaas Telex wax la yiraahdo ayaa warka lagu diri jiray, markii ay BBC-du i qaadatay Telex-ka waxay usoo diri jirtay idaacadda dalka Kenya oo aan ka shaqaynayay. Meel baa laga soo goynayaa kaddib iyadoo baqshad ku jirta ayaa xafiiska la keenayaa.

“Marka anigi inta aanan jawaabta helin waan ka tagay Nairobi. Arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah baa jiray, sidaas awgeed ayaan Nairobi isaga baxay. Dhowr bilood baan ka maqnaa, dhowrkaas biloodna Telex-kaasi wuu soo dhici jiray.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaan kusoo noqday Nairobi, waxaana tagay idaacadda dalka Kenya, “Voice Of Kenya”, markaana nin Soomaali ah oo Maxamed Cabdullaahi la yiraahdo ayaa maamuleyaasha ka mid ahaa.

“Aasaga ayaan u tagay markaas buu igu yiri waraaqahan Telex-ka ah ee meesha saaran adiga ayaa lagugu doonayaa, BBC-da ayaa dhowr bilood ku raadinaysay. Marka isaga ayaa ii fasaxay inaan telefoonkiisa ku isticmaalo oo aan la hadlo qaybta BBC-da ee xagga shaqo galinta.

“Gabar madax ka ahayd qaybtaas baan la hadlay, waxay igu tiri, ‘jagadii aan kuu qaadannay way bannaan tahay ee goormaad imaanaysaa?’, Marka waxaan u sheegay inaan kasoo fikirayo.”

Maxamed Cabdullaahi oo markii dambe noqday tifaftirihii laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa markaas kaddib talo siiyay Yuusuf Xasan.

“Markii aan dib ugu laabtay Maxamed Cabdullaahi ayuu i waydiiyay inaan helay qofkii aan rabay iyo waxa aan ugu jawaabay. Markii aan u sheegay inaan kasoo fikirayo ayuu igu yiri: “War doqon yohow intaad telefoonka ku celisid waxaad ku tiraahdaa, ‘barito ayaan imanayaa’.

“Wuxuu intaas ii sii raaciyay, ‘BBC-da fursaddan ay ku siisay nin helayo ma jiree ha iska luminin.”

Markii uu dib ugu laabtay ayaa loo sheegay in laga rabo baasaboorkii uu ku safri lahaa iyo in uu tijaabooyin caafimaad maro, sidaas ayuuna ugu wareegay dhinaca UK.

Wariyaha hore ee BBC-da ayaa markii dambe isu baddalay siyaasi, waxa uuna kursiga xildhibaanka degmada Kamkunji ee magaalada Nairobi ku fadhiyaa tan iyo sanadkii 2013-kii.