Dowladdii ay labada walaalaha ah hoggaaminayeen oo madaxtooyadeedii ay dadweynuhu ku damaashaadayaan

0

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa xaqiijiyay in uu iscasilay, sida uu u sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadib markii mudaaharaadayaashu ay xoog ku galeen guryaha rasmiga ah ee labada hogaamiye.

Dibad-baxayaasha ayaa weli ku sii qulqulaya xarumaha madaxtooyada iyo xarunta ra’iisul wasaaraha, waxayna diideen inay ka baxaan ilaa madaxdu xilka ka dagayaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in maalinta sabtida ah uu madaxweynuhu iscasili doono 13ka July. Laakiin dad badan oo mudaaharaadayay ayaa si weyn uga shakiyay ku dhawaaqista iscasilaadiisa.

Isniinta maanta ah, xafiiska ra’iisul wasaare Ranil Wickremesinghe ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in si rasmi ah loogu wargeliyay in Mr Rajapaksa uu xilka ka degayo Arbacada. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war toos ah oo ka soo baxay madaxweyne Rajapaksa.

Sida uu qabo dastuurka Sri Lanka, istiqaaladiisa waxaa si rasmi ah loo aqbali karaa marka uu warqad is casilaad ah u gudbiyo afhayeenka baarlamaanka – taasoo aan weli dhicin.

Raysal Wasaare Wickremesinghe ayaa horay sidoo kale u sheegay in uu ka tagayo xilkiisa.

Wax ka ogow qoyska Rajapaksa iyo sida ay labo walaalo ah u noqdeen Madaxweyne iyo raysal wasaare?

Qoyska Rajapaksa waxay si adag gacanta ugu hayeen jasiiraddan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, maamulkii qoyskan ayaa hadda halis ku jira: dadka reer Sri Lanka ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo ah tii ugu darneyd ee soo martay tan iyo markii dalkaasi uu xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1948-dii.

Dalkan waxaa ka dhacay rabshado khasaare dhaliyay, Waxayna taasi sababtay in Ra’iisal wasaare (iyo madaxweynihii hore) Mahinda Rajapaksa uu is casilo kaas oo uu walaalkii u xilka u magacaabay markii la doortay sannadkii 2019-kii.

Mahinda waa walaalka ka weyn madaxweynaha haatan haya talada, Gotabaya Rajapaksa.

Siyaasad si dabacsan ku bilaabatay”Iscasilaada Mahinda Rajapaksa waxay muujinaysaa isbeddel fool xun oo ku yimid nin sannado badan ahaa qofka ugu awoodda badan Sri Lanka,” ayay tiri Ayeshea Perera, tafatiraha Website BBC-da ee Aasiya.

Madaxweynihii hore ayaa noqday qofka ugu caansan qoyska oo aan waligeed xoog sidaas ah ku lahayn siyaasadda qaranka.

Waxay ka soo jeedaan jiilal dhul ku lahaa isla markaana degganaaa degmada koonfureed ee Hambantota, Mahinda ayaa markii ugu horreysay loo doortay xubin baarlamaan 1970-kii isagoo noqday xildhibaankii ugu da’da yaraa ee baarlamaanka.

Sideetanmaadkii Mahinda iyo walaalkii ka weynaa ee Chamal ayaa loo doortay baarlamaanka.

Mahinda waxa uu caan ku noqday in uu dhaleeceeyo tacadiyaddii ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha ee dhacay xilliggii kacdoonkii garabka bidix ee 1987-89, waxay Qaramada MIdoobey inay soo farageliso xaaladda.Sannadkii 1994-tii, waxaa loo magacaabay wasiirka shaqada, Toban sano ka dib, wuxuu noqday Ra’iisul wasaare, 2005-tiina waxaa loo doortay madaxweyne.

Mahinda wuxuu noqday madaxweynaha Sri Lanka (2005-2015). Sannadkii 2009-kii, waxa uu hormuud ka ahaa dadaallo lagu joojinayay dagaallo uu dhiig badan ku daatay kadib dagaalkii sokeeye ee lala galay kooxdii gooni-goosadka aheyd ee Tamil kaas oo socday ku dhawaad ​​30 sano.

Guushan uu gaaray waxaa hareeyay eedeymaha ku saabsan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tacaddiyo loo geystay qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay.Madaxweynihii hore ee Sri Lanka ayaa beeniyay eedeymahaas.

Ganacsiga qoyska

Muranka hareeyay qoyska kama hor istaagin Rajapaksa in ay ka taliyaan siyaasadda Sri Lanka: Gotabaya waxa uu xil sare ka soo qabtay wasaaradda gaashaandhigga, dadka qaar waxay ku bogadiyeen sida uu ula tacaalay dagaalladii sokeeye.

Chamal wuxuu xil kasoo qabtay wasaarado ay ka mid yihiin Beeraha, Kalluumaysiga iyo Waraabka.Nin kale oo la dhashay oo la yiraahdo Basil ayaa qabtay waaxda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa xilalka dowladda loo dhiibay qaraabada qoyska Mahinda oo uu kamid ahaa wiilasha Mahinda, Namal kaas oo dhawaan soo qabtay xilka wasiirka ciyaaraha, Yoshitha oo ah madaxa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tan is casilaadda aabihii.

Si kastaba ha ahaatee, qoyska ayaa dib u dhac ku yimid markii Mahinda uu si lama filaan ah uu ugu guuldareystay doorashadii madaxtinimada ee 2015-kii, Waxaa uu dib ugu soo laabtay xukunka afar sano kadib.