Ruushka ayaa isugu yeeray shir degdeg ah oo gaar ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii si uu ugala hadlo sheegashadiisa ah in Ukraine ay qorsheyneyso inay sameysato hubka kiimikada.
Tani waxaa beeniyay Ukraine iyo Maraykanka oo ku tilmaamay “mid been abuur ah” – ayna tahay sheegasho loogu talagalay in marmarsiiyo looga dhigto suurtagalnimada in Ruushku uu u isticmaalo hubka kiimikada ah magaalooyinka Ukraine.
Ukraine waxay leedahay shaybaarro, si sharci ah, halkaas oo ay dowladdu sheegtay in saynisyahannadu ay uga shaqeeyeen ka ilaalinta dadka cudurrada, sida Covid.
Marka la eego in Ukraine ay hadda ku jirto xaalad dagaal, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka codsatay Ukraine inay burburiso wax kasta oo cudur-sidaha khatarta ah ee ku jira shaybaarada.
Haddaba muxuu yahay hubka kiimikada, sidee ayuu se uga duwan yahay hubka Niyukleerka ee wax gumaada?
Hubka kiimikadu waa nooc kasta oo rasaas ah oo xambaarsan sunta ama walxaha kiimikaad ee weerara ama wax u dhima nidaamka iyo unugyada jirka.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah hubka kiimikada. Sunta, sida nooca loo yaqaanno “phosgene” waxay weeraraan sambabada iyo hab-dhiska neefsiga, taasoo keenta in dhibbanuhu ay xitaa waxyeello ka soo gaarto sambabada.
Waxaa sidoo kale jira in sunta qaar ay gubto jirka qofka islamarkana uu indha beelo.
Balse waxaa jira qeybo ka mid ah kiimikada oo sababa dhimasho badan.
Sunta loo yaqaano “nerve agents” ayaa ah mid dilaa ah, waxaana qofka marka ay ku faafto jirkiisa uu qalqal iyo howgab ku dhacaa fariimaha maskaxda ee muruqyada jirka iyo waliba neef mareennada jirka.
Dhibic yar oo suntan ka mid ah ayaa noqon karta mid sababta dhimasho. In ka yar 0.5mg oo suntan VX nerve agent, ayaa tusaale ahaan ku filan inay disho qof wayn.
Dhammaan waxa loogu yeero sunta kiimikada waxaa loo isticmaali karaa dagaalka madaafiicda, bambooyinka iyo gantaalaha.
Laakiin dhammaan waxaa si adag u mamnuucaya Heshiiskii Hubka Kiimikada ee 1997-kii, oo ay saxiixeen inta badan dalalka caalamka, oo uu ku jiro Ruushka.
Waxaa jirta Hay’ad caalami ah oo ilaalisa hubka kiimikada oo saldhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, waxaana magaceeda loo soo gaabiyaa OPCW -.
Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada – ayay shaqadiisu tahay la socodka isticmaalka sharci darrada ah ee hubkan, waxayna isku dayaan in laga hortago faafitaankiisa.
Waxa loo adeegsaday dagaal hore – Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii iyo dawladda Suuriya oo la sheegay in ay u adeegsatay dagaalyahanadii ka soo horjeeday.
Ruushka ayaa sheegay in uu burburiyay kaydkii ugu dambeeyay ee hubka kiimikada sanadkii 2017-kii, balse wixii markaas ka dambeeyay waxaa dhacay ugu yaraan labo weerar oo kiimiko ah oo lagu eedeeyay Moscow.
Ka talaabidda Khadka cas
Midka ugu horreeya wuxuu ahaa weerarkii Salisbury ee bishii Maarso 2018 markii sarkaal hore oo KGB ah oo ka goostay, Sergei Skripal, lagu sumeeyay gabadhiisa sunta waxyeleysa neerfaha ee Novichok. Ruushku wuu diiday mas’uuliyadda.
Laakiin baarayaashu waxay baaritaankooda ku soo gabagabeeyeen in falkan ay fuliyeen laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU taas oo keentay in 128 basaasiin iyo diblomaasiyiin Ruush ah laga saaro dalal dhowr ah.
Kadib, bishii August 2020, hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Ruushka ee Alexei Navalny ayaa sidoo kale lagu sumeeyay sunta Novichok taasi oo si dirqi ah uu uga badbaaday dhimasho.
Haddaba Ruushku ma u isticmaali karaa hubka kiimikada dalka Ukraine?
Haddii Ruushku u isticmaalo hubka sida gaaska sunta ah ee dagaalka, tani waxaa loo arki doonaa inay tahay mid uu uga tallaabay khad cas , oo ay u badan tahay inay soo dedejiso baaqyo ku aadan in reer galbeedka ay qaadaan tallaabo adag.
Ma jiro wax cadeyn ah oo muujinaya in Ruushku uu hubkan adeegsaday markii uu xulafadiisa ka caawinayay in uu ka adkaado fallaagada Suuriya, balse waxa uu taageero millatari oo ballaaran u fidiyay xukuumadda Bashaar Al-Asad oo lagu eedeeyay in uu tobonaan weerar oo kiimiko ah ku qaaday dadkiisa.
Xaqiiqdu waxay tahay in haddii aad leedahay dagaal daba-dheeraaday halkaas oo militariga weerarka soo qaaday ay isku dayayaan inay jebiyaan ciidamada difaaca ka dibna nasiib daro hubka kiimikada waa halka dariiq ee kali ah ee guushaasi lagu gaari karo, Waana wixii ay dowladda Suuriya ka samaysay magaalada Xalab.
Dhanka kale, hubka baayolijikada ayaa ka duwan hubka kiimikada. Waa weer loo isticmaalo in lagu qeexo hubaynta cudur-sidaha halista ah sida Ebola.
Dhibaatadu waxay tahay waxaa jira qaabab kala duwan oo u dhexeeya ka shaqaynta siyaabaha aad dadkaaga uga ilaalin lahayd cudur-sidaha waxyeelada leh, iyo ka shaqaynta si qarsoodi ah sida loogu isticmaali karo hub ahaan.