PhotoLap: wax ka ogow khatarta ku gedaaman barnaamijkan laga daba dhacay

0

Khatar ma keeni karaan barnaamijyadani?

Barnaamijyadan mobillada ee lala soo degi karo laguna hagaajiyo sawirrada ayaa caan baxay sannadihii u dambeeyay waxaana ay sii noqonayeen xaalad walaac leh oo haysata bulshada.

Sida ay qabaan khubarada ku taxaluqda isticmaalidda aaladahaas waxaa muhiim ah in la akhriyo siyaasadaha khaaska ah oo aad fahanto sababta ay u codsanayaan helitaanka xogtaada gaarka ah.Khubaradu waxa ay sheegeen in apps-kani ay kuu kaydinayaan sawiradaada koobaha xogtooda , maadaama aad u ogolaatay in ay sidaas sameeyaan marka aad rakibayso software-ka adiga oo aan akhriyin shuruudaha ay qabaan.

Si gaar ah kuwooda aan txiraaca lahayn ee laga soo dejiyo meelaha aan la aamini karin waxay noqon karaan khatar, maadaama xaqiijin aanay inta badan xaqiijin codsiyada amniga, sirta iyo arrimaha khuseeya fayrasyada.

Weligay ma akhriyin T&C oo hadda waxaan ku haystaa taleefankayga saddex barnaamij oo sawirrada lagu qurxiyo,” ayuu yiri Gunnjan Goyal, oo 16 jir ah, arday ah oo hore BBC-du ula hadashay. “Waxaan wax ka beddelaa ku dhawaad dhammaan sawirradayda si aan u qurxiyo, mararka qaarkoodna waxaan ka qaadaa sawirro aniga oo isticmaalaya barnaamijyadan waxayna ku kaydsan yihiin goob iyaga u gaar ah”

Ku dhawaad laba sano ka hor baraha bulshada waxaa ku baahay barnaamijka kale ee sawirrada dadka falanqeynta ku sameeya kaddibna natiijo qiyaas ah soo saara taas oo ku saabsan da’dooda.

Dad ay ka mid yihiin Soomaalida isticmaasha Facebook ayaa ka mid dadkii ku daatay barnaamijkaas, kaas oo sida oo kale saadaalin iyo hab nasiib ku so saari jirey waxa qofkuu uu la kulmayo sannadaha soo socda, sida guurka iyo in aad hanti heli doonto oo kale.

Hase yeeshee khubarada ayaa horay uga digay in barnaamijyada qaabkan u shaqeeya ay khatar ku noqon karaan xogta khaaska ah ee qofka, maadaama sawirradiisa iyo cinwaankiisaba uu la wadaagayo shirkadaha leh barnaamijkaas.