Qalalaasaha Tigray: ‘Sida dagaalku ugu qasbay adeerkey inuu qaxooti ku noqdo Sudan’

0

Dad badan oo ka qaxaya dagaalka Itoobiya ayaa ka gudbaya webiga iyaga oo galaya Sudan

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa wax ka qoray mid ka mid ah qaraabadiisa oo lagu qasbay inuu ka qaxo gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ka dib, dagaalkii halkaas ka dhacay ee u dhexeeyay ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka ee TPLF.

Adeerkey oo ganacsade iyo beeralley ahaa ayaa qaxooti ku noqday Sudan, wuxuuna ka mid yahay tobannaan kun oo kale. Xitaa ma haysto kabo, waxay uga lumeen waddada xilligii uu ka qaxayay dagaalka Tigray. Wuu lugeeyay, mararka qaarna wuxuu raacayay doon.

Ma uusan fileyn inuu dagaal qarxi doono. Sidaas darteed, bilowgii Nofembar, wuxuu safar maalin gelinkeed ah kaga soo tagay gurigiisa oo u dhow magaalada Adwa ee bartamaha gobolke Tigray, isaga oo soo aaday magaalada beeraha caanka ku ah ee Humera oo galbeedka ku taalla, wuuna ka tagay xaaskiisa iyo labadiisa cannug.

Tani waa waxa uu caadi ahaan sameeyo xilligan oo kale sannadkasta. Wuxuu aadaa beertiisa ku taalla Humera si uu u beerto dalagyadiisa sisinta iyo masaggada wuxuuna u iib geeyaa suuqyada Tigray iyo Sudan.

Ka dib – sida dad kale oo badan oo ku sugan Tigray, oo ay ku nool yihiin ilaa siddeed milyan oo qof – waxaa is beddeshay noloshiisa.

Waaxda maalgashiga waxaa saameeyay dagaal

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu amray howlgal militari oo Ururka Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) looga qaadayo xukunka gobolkaas, sababtoo ah, “waxay soo dhaaftay “qadka cas” iyada oo la wareegtay saldhigyada milatari ee ciidamada federaalku ku leeyihiin gobolka”, ayuu yiri.

Xiisadda ayaa isa soo tareysay in muddo ah, iyadoo dowlad-goboleedka ay xukumaan TPLF ay soo qaban qaabiyeen doorashooyinka gobolka Tigray bishii September, waxayna diideen go’aan heer federaal ahaa oo dib loogu dhigay dhammaan doorashooyinka, oo lagu waday inay qabsoomaan bishii August ee la soo dhaafay, sababo la xiriira coronavirus.

Dadka Tigray ayaa ka qeyb qaatay codbixinta dooorashadii September – oo ay dowladda cambaareysay

Mr Abiy ayaa cambaareeyay doorasho Tigray, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah halka TPLF ay sheegtay in aysan isaga aqoonsaneyn ayna rumeysan yihiin in muddada xileedkiisu dhammaaday.

Toddobaad ka dib markii uu dagaalku qarxay, 4-tii November, ciidamada Itoobiya – oo ay taageerayaan kuwa dowlad-goboleedka Amxaarada iyo maleeshiyaad, ayaa Humera ka qabsaday ciidamada Tigray.

Humera waxaa ku nool 30,000 oo qof, waxayna qeyb ka ahayd mashruuc maalgashi oo looga gol lahaa horumarinta. Dalagyada deegaankaas gaar ahaan sisinta iyo suufka ayaa loo dhoofiyaa dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Shiinaha.

Taas way adag tahay sannadkan. Adeerkey wuxuu sheegay inuu arkay dalagyada qaar oo dab la qabadsiiyay, balse ma garan karo haddii ay taas saameyn ku yeelatay beertiisa.

‘Adeerkey wuxuu qaxay xilli habeen ah’

Howlgalka militari ayaa dabka u huriyay isku dhac isirka ku saleysan, iyadoo Tigrayga iyo Amxaaradaba ay shacab iska dileen, inkastoo ciidamada iska soo horjeeda ay dafirayaan inay bar tilmaameedsadeen rayidka.

Adeerkey waa Tigray, wuxuu sheegay, in dhac baaxad leh loo geystay hantida shacabka Tigrayga, dilalna lagula kacay. Wuxuu xusay inuu xaqiiqsaday sida ay noloshiisa khatar ugu jirto markii uu arkay in shaqaalaha Amxaarada ee sida nabadda leh ugula noolaa kana shaqeysan jiray gobolka – ay hadda ugu sheegayaan xoogagga gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyaadka meesha ay Tigrayga kaga sugan yihiin Humera.

Adeerkey wuxuu sheegay in sidoo kale madaafiic xoog leh ay ka soo dhacayeen dhanka Eritrea, inkastoo labada dowladood ee madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed ay dafireen in dhanka maamulka Casmara ay ku biirtay howlgalka militari ee ka dhanka ah maamulkii Tigray.

Isaga oo u baqaya noloshiisa, ayuu adeerkey ka tagay Humera xilli habeen ah. Waxba ma haysan, wuxuuna u lugeeyay Webiga Tekeze. Wuxuu halkaas kula kulmay boqollaal kale oo Tigray ah. Waxay dhammaantood raaceen doon waxayna u gudbeen dhanka Sudaan.

Wuxuu sheegay inuu nafisay markii uu gaaray xarunta qaxootiga ee Qaramada Midoobay, balse wuxuu ii sheegay in teendhooyinka ay buuxeen, ayna iska seexdeen meel bannaan ah.

Wuxuu iga soo wacay nambar Suudaan ah, isaga oo sheegay inuu ka qaatay qof, maaddaama nambarkiisa Itoobiya uusan ka shaqeyneynin gudaha xerada.

Ka dib wada hadalkaas in ka badan labo toddobaad kahor, wax war ah kama maqlin isaga, mana aanan awoodin in aan la xiriiro. waxaa go’aan isgaarsiinta qeybo badan oo ka mid ah Tigray, xaaskiisa iyo carruurtiisa kama war hayaan inuu qaxooti ku noqday Sudaan.

‘Duqeymaha cirka ayaa ku qasbay in ay qoyskeyga qaxaan’

Ma sheegi karo haddii qoyskiisa ay ka qaxeen guryahooda iyo in kale – Adwa waa mid ka mid ah magaalooyinka ay ciidamada Itoobiya qabsadeen kahor intaysan qabsanin Mekelle, oo ah caasimadda Tigray.

Waaliddiinteyda iyo walaalahay waxay ku nool yihiin Mekelle, anigana – sida kumannaanka kale oo qurba joog ah – wax war ah kama hayno inay ka badbaadeen toogashada iyo madaafiicda Sabtidii saameysay magaalada.

1px transparent line

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in isbitaalka weyn uu la daalaa dhacayo daweynta dadka dhaawaca ah, waxaa sidoo kale jira gabaabsi dhanka bacaha meydadka lagu rido ah.

Ururka TPLF wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan Mekelle ay dileen 19 rayid ah, ayna dhaawaceen in ka badan 30 kalena, balse Abiy Axmed ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah aan lagu dilin howlgalkii militari ee toddobaadyada ka socday Tigray.

Waxaan ugu dambeyn war ka helay qoyskeyga. Waxay ahayd ka dib markii militariga Itoobiya ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen, 16-kii November, meel u dhow jaamacadda Mekelle.

‘Xilligii ugu adkaa nolosheyda’

Waaliddiinteyda iyo walaalahey waxay ku noolaayeen agagaarka jaamacadda, sidaas darteed qofka aan la xiriiray ayaa ii sheegay in ay ka tageen gurigooda – oo ay in muddo ah ku noolaayeen qoyska meel kale – waxayna la degeen saaxiibbo kale oo ku nool magaalada.

Weli ma awoodin inaan la xiriiro qof ku sugan Mekelle. waxay ahayd wakhtigii ugu adkaa nolosheyda, waxa keliya ee aan qaban karo aniga oo ku sugan qurbaha waa in aan ugu duceeyo badqabkooda iyo qof walba oo kale.

Sannadihii la soo dhaafay, dagaal ayaa ka socday qeybo ka tirsan Itoobiya, kuwaas oo ku dhowaad labo milyan oo qof ku qasbay in ay ka qaxaan guryahooda. Balse xoogaa degganaan ah ayaa ka jirtay Tigray.

Hadda xaaladdaas way is beddeshay, inkastoo Ra’iisul Wasaare Abiy uu ku dhawaaqay in howlgalka militari uu dhammaaday ka dib qabsashadii Mekelle, haddana weli waxaa jiro warar ku saabsan in dagaalka iyo duqeymaha cirka ay ka socdaan qeybo ka tirsan Tigray.

Ma garan karo xilliga ay tan dhammaan doonto; xilliga uu bilaaban doono ka gudbidda xaaladda cakiran; goorta ay qoysasku dib u midoobi doonaan; wakhtiga dib loo furi doono dhammaan iskuullada; xilliga ay korontada iyo biyuhu soo laaban doonaan; goorta wax beerashada iyo ganacsiyadu ay dib u furmi doonaan, iyo xilliga ay noloshu caadi ugu soo laaban doonto.