Wadanka Botswana o Lagu laayay Boqolaal Maroodi ah iyo sababta

0

Su’aalo ayaa la iska weydiinayaa dhimashada boqolaal maroodi ah oo labadii bilood ee la soo dhaafay si aan kala caddeyn ugu dhimatay waqooyiga Botswana.

Lama oga sababta ay xayawaankan u dhimanayaan, dowladduna waxay sheegtay inay dhowr isbuuc qaadan karta baaritaannada shaybaarka ee dowladda

Botswana waxay hoy u tahay seddex meelood meel tirada maroodiga ee Afrika.

Dr McCann, oo ka tirsan hay’ad u ololeysa duurjoogta oo fadhigeedu yahay dalka UK, ayaa BBC-da u sheegay ilaaliyayaasha deegaanka ee maxalliga ah ay markii ugu horreeysay u digaan dowladda billowgii bishii May, kadib markii ay duulimaadyo ku dul mareen deegaannada uu maroodiga ku dhintay.

“Duulimaad qaatay 3 saacadood ayaa waxay ku arkeen meydadka 169 maroodi,” ayuu yiri, wuxu intaasi raaciyay inay adagtahay in mudadaasi kooban lagu tiriyo meydadka tiro intaasi dhan ay aheyd wax aan caadi aheyn.

“Bil kadib, baaritaan dheeraad ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tirada maroodiga dhintay ay intaa ka badan tahay oo ay kor u dhaafeysa 350.”

” Tani waa arrin ugub ah oo aan hore loo arag marka loo eego tirada maroodiga u dhimanaya sabab aan lala xiriirin abaar,” ayuu ku daray.

Dabayaaqadii bishii May, dawladda Botswana ayaa meesha ka saartay in maroodiyadaasi la ugaartay maadama foolashoodii ay wali ku yaalaan.

Waxaa jira waxyaabo kale oo laga yaabo inay dhaceen oo anaan ahayn ugaarsi sharci darro ah

“Qaabka ay udhinteen – qaar badan oo ka mid ah weji weji ayey u dhacee–n waxay tilmaameysa suurtagal-nimada ah inay la xiriirta dhibaatooyin dhinaca neerfaha”, ayuu yiri Dr McCann. Si kastaba ha noqotee, iyada oo aan la ogeyn sababta ay u dhinteen moroodiyadan, suuragal ma aha in meesha laga saaro cabsida ah ah in laga yaabaa inuu yahay cudur u sii gudbi kara bina aadamka – gaar ahaan haddii xanuunka oo asal ahaan ka yimid biyihi ay cabeen ama wax ay ka qaadeen ciidda.