Tanzania: Weriye aan ka faaruqin maxkamaddawaxaa maxkamad la soo taagay 137 ma

0

Weriyaha u dhashay Tanzania ee Maxence Melo, oo sanadkii hore ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda, ayaan fursad badan u helin inuu guto waajibaadkiisa warbaahinya.

Lix iyo toban sano kahor, wuxuu wax ka aasaasay Jamii Forums, oo ah website looga hadlo musuqmaasuqa wuxuuna gacan weyn ka geystay isla xisaabtan siyaasadeed.

Ammaan ayuu dunida uga muteystay sida uu wakiil uga noqday saxaafad wanaagga. Balse saddexdii sano ee ugu dambeeyay, waxaa maxkamad la soo taagay 137 mar waxaana dhowr jeer xilli habeen bar ah laga soo qabtay gurigiisa.

Ma ahayn wax fudud: “Waa wax lagu daalo, markaan runta sheego, waa wax lagu daalo, waxaadna mararka qaar dareemeysaa inaad isaga baxdo,” sidaasi wuxuu u sheegay weriyaha BBC-da Sammy Awami bishii December.

Weriyahan oo sidoo kale haysta tababar injineernimo, ayaa wuxuu isku yaqaannaa “qof si kama` ah weriye u noqday”.

Wuxuu bilaabay shaqada warbaahinta dadweynaha iyo barta Jamii Forums sanadkii 2003, halkaasoo dadweynaha Tanzania ay si xor ah kaga wada hadlaan arrimaha ka socda dalkaas.

Bartan ayaa caan noqotay, balse waxay caro gelisay dowladda.

Mr Melo ayaa sanadkii 2008 la xiray isagoo lagu eedeeyay argagixisanimo, inkastoo markii dambe laga laabtay eedeymahaas. Balse arrinta intaas kuma dhammaan.

Toddoba sano kaddib, Tanzania ayaa meel marisay sharciga Internet-ka ee la isku khilaafay, kaasoo mararka qaar loo aqoonsaday sharciga Jamii Forums.

Sharciga Dembiyada Internetka (2015) iyo Sharciga Boostada iyo Isgaarsiinta (2010) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo laguna xaddido cambaareynta dowladda loo jeediyo, sida uu qabo Guddiga Difaacidda Weriyeyaasha ee (CPJ).

Jamii Forums ayaa maxkamadda la tiigsatay sharcigaas balse kuma aysan guuleysan in meesha laga saaro.

Weriyeyaasha, xarumaha warbaahinta iyo kooxo kale ayaa sharciyadaasi dhib kala kulmay.

Ururka Tifaftirayaasha Tanzania ayaa sanadkii 2018 sheegay in ugu yaraan shan wargeys iyo labo xarun raadiye shaqo-joojin lagu sameeyay muddo u dhaxaysa saddex ilaa 36 bilood.

Xiritaanka weriye madax bannaan Erick Kabendera ee bishii July 2019, oo markii hore su`aal la geliyay dhalashadiisa, markii dambese isku beddeshay eedeymo la xiriira lacag is daba marin ayaa sababtay cambaareyn caalami ah.

Tito Magoti, oo 26 jir ah, ayaa xilli feesto ah xabsiga ku qaatay kaddib markii 20-kii December lagu xiray magaalada Dar es Salaam.

Sanadkii 2016, Melo ayaa lagu eedeeyay inuu ka soo horjeestay baaritaan socday kaddib markii uu diiday inuu soo gudbiyo xogta dad bartiisa internet-ka wax ku soo qoray.

Jamii Forums ayaa muddo 21 maalmood ah albaabbada loo xiray sanadkii 2018, iyadoo lagu qasbay inay u hoggaansanto shuruucda cusub ee internet-ka.

Inkastoo uu jiro cadaadiska ka imaanaya dowladda, haddana Melo ayaan weli quusan – abaalmarin ayuuba ku helay

Wuxuu BBC-da u sheegay in tan iyo markii bartiisa la xiray sanadkii hore, ay shaqaaleysiiyeen dhowr qareenno, oo dib u habeeya siyaasaddooda tifaftirka isla markaana hubiya dhammaan qoraallada loogu talo-galay website-ka kahor intaan la daabicin.

Balse wuxuu sheegay in dadku ay weli u furan tahay inay si xor ah u hadlaan.

Wuxuu sheegay in qareennadu ay la hadlaan dadka xogta siiya website-ka si ay ugu xaqiijiyaan badqabkooda iyo inay xogtooda dhowrsan tahay haddii lagu qabsado waxyaabaha ay soo qoraan.

Warbixinta sanadkii hore ee sida ay dalalka caalamku ugu kala horreeyaan xorroyadda saxaafadda ee ay soo saareen Ururka Weriyeyaasha aan Xuduudda lahayn (RSF), Tanzania waxay noqotay dalka 118-aad iyadoo markii hore ahayd dalka 25-aad.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in xorriyadda hadalka ay ka jirto dalkaas – waxayna sheegtay in weriyeyaasha iyo dadka wax falanqeeya ay xor u yihiin inay shaqadooda qabsadaan haddii aysan dembi galeynin.

Wuxuu ka walaacsan yahay sida uu xaalku noqon doono mustaqbalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda sanadkan.

Wuxuu u maleynayaa in 2020 uu u wanaagsanaan doono warbaahinta Tanzania, balse wuxuu sidoo kale sheegay inaan la saadaalin karin maaddaama uu yahay sanad doorasho. nkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dowladdu ugaarsaneysay weriyeyaasha, haddana Mr Melo wuxuu rumeysan yahay in xukuumaddu ay wax maqleyso.Balse wuxuu maamulka hadda jira ku cadaadinayaa inay la shaqeyso warbaahinta iyo dadka kale ee mucaaradka ah si meel looga soo wada jeesto cadowga keliya oo ah musuqmaasuqa.